Sign in to follow this  
Abdulladiif Al-Fiqih

Gabay to Puntland/Somaliland Admins

Recommended Posts

Gabay: Roda Afjano

 

 

Roodo Ibraahim Cabdi Gurey, Afjano

 

Waxay curisay Abwaanaddu kadib markey Puntland weerar ku qaadeen dadka ********ya udhashay ee ku noolaa Boosaaso iyo Garoowe 12/04/2008 - 22/04/2008.

 

-Intaa aad dhex joogteen aduun malaggu kaa dheelmin.

-Qoraxdii dhacaysaba waxbay kuula soo dhalane.

-Dhaka faar wax keeniyo farxadi waysu dhawdahaye.

-Dhawaaqii Garoowiyo kayimid dhinaca Boosaaso.

-Dhimbiil aad u kululbuu ahaa dhibic rasaaseede.

-Dhagahaygu goortay maqleen dhirif i saameeye.

 

 

-Dhamaan reer ********ya way wada dhalaaleene.

-Dhuuxiyo quluubtaa na huri dhamal sidiisiiye.

-Dhuug iyo intay baal cadani dhawda nagu hayso.

-Dhanqaryadu nadayn mayso oo waan dhutinaynaaye.

-Dhagax turun turiyo qoofalbaa dhadka noo galiye.

 

-Boogta dhaymo waydiyo nabraha aan u dhaadhaco’e.

-Illahay ha dhawree raggii cadawga loo dhoofshay.

-Hooyooyinkii dhaawacmee dhaayaq lagu toogtay.

-Iyo jeelka kii lagu dhex dilay ma aha dheeldheele.

-Nimankii ku dhiiraday hadana dherebta saaraaya.

-Dhogortii wadanigay tigree ugu dhawaadeene.

 

-Dhabihii Hargaysay mareen barana sii dheere.

-Dhooroof la’aanbay tubtii ugu dhaqaaqeene.

-Dhudhubtaa qodxaha badan horaa loogu dhiidhyadaye.

-Haday dhayal sadaan reer Puntland taladan dhooboowday.

-Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan dhaxalkeede.

 

-Hadii maamulkaa dhagarta galay aan la dhagax tuurin.

-Oon dawga ay dhinac mareen lagu dhaleecaynin.

-Oo aan dhismaa dumahayee dhiidhi laga muujin.

-Xumaatada in loo wada dhanyahay baa dharaar noqone.

-Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan dhaxal keede.

 

-Culmida sharciga dheehatiyo dhigaha diinteena.

-Odayada dhasiig lagu hirtiyo samaha dhawraaya.

-Abwaanada dhambala ee murtida loogu shubay dhiilka.

-Dhalintiyo aqoonyahanka aan dhiman damiirkoodu.

-Dhumucdii haweenkiyo bulshada udub dhaxaadkeeda.

-Dhacdadaa xanuunka leh haday dhiilo galin waydo.

-Dhabna aan shacbigu uga gilgilan dhaqanku iimawye.

 

-Aheey nimanka uu cunay dhurwaa loona dhigay gawska.

-Dhimashadiyo way suga hayeen dhacan lasaaraaye.

-Dhiig duudsiga ani ii gubi dhamac sideediiye.

-Wuxuu dhimay nin diidoo indhaha dhoobo kuumariyay .

-Waa ruux dhashiisii dafiray oo ka maray dhaare.

-Ma wax dhuuman kari bay noqdeen nimanka dhaadheeri.

 

-Duulkaa martidaa dhaylyadee dhoosha ka halgaaday.

-Dhag xumada ayaa lala damcoo fure dharkoodiiye,

-Haysisoo dhariijeen xishood waa horuu dhumaye.

-Dhalaan raadad waawayn hadday dhaygag curiyeene.

-Dhoodhoo miyaa lagaga hadhi wayska dhalanteede.

 

-Dhamaantiinba Soomaaliyeey waad na dhababteene.

-Intii aan dhufays ugu jireen nacabka dheel maayay

-Dhibka aydun noo gaysateen xadadka soo dhaafye.

-Dhasalaalaq iyo talo xumaa saa idiin dhigaye.

-Waxba dheelalaw socodku yuu idinla dheeraane.

-Dhaayaha bal fura meel sokaad dhawarysaan wali’e.

 

-Gumaysiga na dhalan dooriyee dhaaxa nagu raagay.

-Hadii uu na dhabanaanin jiray idinka oo dhaaddan.

-Dhankiiniina waakaa tagee idinku dhaantayne.

-Dhuubkaynu ugu wada jiraa namana dhaantaane.

-Abeesadii na dhaadhyaysaybaad raarta dhigateene.

-Dhunkaal iyo waxaad beerateen geed dhagmaanyo ehe.

 

-Dhidibkiyo walaalnimadu waa labada dhoomoode.

-Mid haduu dhan taalana kan kale way ladheeliyiye.

-Dhinacaad jirteenbaa xumuhu nooga soo dhiciye.

-Isticmaarka dhalan dhoolayaad dhabanka saarteene.

-Anaguna waramha dhiiran ee dhabar jab gaadhsiiyay.

-Iyo dhoonbir halisaan wadnaha kala dhacaynaaye.

-Maxaynaga dhaxaynkara Tigree baad u dhurateene.

 

-Nin waliba dhul waa leeyihiyo kobu ku dhaataaye.

-Hadii lays dhex mari waayo oo dhoorka la is gooyo.

-Dhito subag ah lama hela hayiyo dhayda caanaha’e.

-Dhir magooshay iyo nabadu waa dheeha aadmiga e.

-Da ku dhimata mooyee colaad wiil ku dhalan waaye.

-Dhaayaha bal fura meel sokaad dhawraysaan waliye.

 

-Dhuuryada Itoobiyo ninkii dharaq ka doonaaya .

-Ama dhuuni nagu raadsanoow dhoohanaad tahaye.

-Waligeedba dheef maysan helin ay ku dharagtaaye.

-Dhafoor xumada kama guurto iyo dhuubni tag darane.

-Dhiishii fakhriga loogu shubay dhalada loo saarye.

-Dhandhamana ka heli maysid iyo dharab qoyaankiiye.

-Dharigeeda gaajada aday kugu dhardhaarayne.

 

-Dhar galkiyo wayaanaha xiligu wuu kadhacayaye.

-Dhulkanagana waa laga xoreyn dhuudhigaayimide.

-Dhaaraan ninkii noqonhayo kuu dhamays tiraye.

-Madhex maro wayaanuhu habeen suuqa Dhagaxbuure.

-Way soo dhawdahay guusha aan dherersanaayaaye.

-Dhirbaaxiyo ushaba waan karraa dhubuqle waashoowe.

-Dhawrsanaada Soomaaliyey wax idin dhaadhaanye.

Posted in Dhamac

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cabdow   

Afjano is a very talanted lady, thanx for sharing this TIX with us duqa!

 

This particular part speakes valumes, where she says;

 

-Hadii maamulkaa dhagarta galay aan la dhagax tuurin.

-Oon dawga ay dhinac mareen lagu dhaleecaynin.

-Oo aan dhismaa dumahayee dhiidhi laga muujin.

-Xumaatada in loo wada dhanyahay baa dharaar noqone.

-Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan dhaxal keede.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D bal wax isku day waadigga buraanburta haye e!

 

 

Faran, I broke the link because I was linking from my Facebook account...that link was going direct to my facebook in-box. I have to find a better way to upload the clip.

 

In a nutshell, the reer hargeysa guy, wuu kagaraabay arinta wuxuuna dhahay arinta umawada-dhamin marka fal uu qoys reerka-ihi galay, yaan lanoo-wadadilin.

 

Dhinacakale, reer Puntland ayuu yara-taabtey isaggoo leh, reer punntland odeybaad wada-wadaagtaan marka gafkay idinkagalaan lama-barbardhigikaro gafkaan galo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waagii iigu danbaysay reerkayagu wuxuu lahaa hebla caytama :D . I await a fitting response in a buraanbur fashion to reason with this afjanno woman.

 

Afjanno has a point.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by AbduLadiif:

Hamigga Yurub iyo Hurdada afrika

 

 

Adeerkiis way dhantahay, waan kaa hayaa.

 

Gabayagu tolow ma JB da'dii ka yarayd baa? :D

 

Gabay aabihii iyo gunaanad dhamaystiran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this