Sign in to follow this  
nuune

wax maka heesaa gabaygii Jacburis ahaa by Dhoodaan

Recommended Posts

nuune   

if anybody got any Jacburis Gabay by dhoodaan,please post it here,wallaahi waa u dhimanayaa inaan akhriyo,mar hore aa iigu danbeessay.

 

i hope jamaal and the other poet nomads will know jacburis.

 

 

by the way,if u got any other jacburis gabay by any other somali poet,please share it with us,we need a good laugh for sure and real,aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

sidii inan yaroo bidaaraysatoo

dhakada xaadi kaga taalo

ama goroyo seetaysanoo

laaga baranaysaa

 

I am assuming these were his. If not, sorry

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Dhoodaan must be celeberated for his mastery of homour and commedy -- Some of his commic poems can be called the funniest and the most liked ones by the younger generations. I, for one love to listen to his poetry, and every time I listen to this poem of his - It brightens the dayfor me.

 

JACBURKII DHOODAAN

 

War horta ninyahaw anigu waan jeclaadaye

Gabadhbaan jeclahay oo i jecel, mana jeclaadeene

Haddii ay i jeclaatana ma rabo inaan jeclaadaaye

Ninkii ay jeclaatana la waa inuu jeclaadaaye

Kii aan jeclayn waa iyadu inay jeclaataaye

Jacaylkagya iyo keedu waa laba jeclaadoone

 

Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye

Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye

Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye

Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye

Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye

Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye

Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye

Wadaaddaanse jeclaadee dharraar macawsta i siisay

Gurigeeda waagaan tegee ay shaaha ii karisay

Haasawaheedii kolkuu sooba madhan waayey

Feedhka iyo tantoomada sideer uguma boobeene

Kolkay qaad i siinweydey ayuu mawdku ka adeegay.

 

Ninkii dumar jeclaadaase wuu yara ammaantaaye

Adna waxaaban kuu soo fekeray hadallo dhaadheere

Midabka iyo quruxdaadan ayaan yarahe faalleyne

Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxullo meygaage

Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale e

Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye

Guurna waaban kaa doonaya sidaa dharraatiiye

Timahaygu siday yihiin eed cirrada moodo

Duqdnimiyo gabow igama aha oo wayska dhalankaye

Adiguna carruurbaad tihiyo sida dhallaankiiye

Isku qayrna waa nahay anuun baa laba Gu! kaa weeyne

Sanadkii Daraawiishtii baan dhoocillo ahayne

 

Dhallinyaro inaan nahay dadkuba waa ogsoonyahaye

Inan iyo barbaar baan nahaye waan lagaranayne

Raggaa kale juuq ha u odhan aniga mooyaane

Kii kula hadlana waa inaan feedh ka badiyaaye

Haddii layga kaa dhaco waxbaan sahayan doonaaye

Dameer dhagaxa waa inaan gurtoo qaylo kiciyaaye

Naagtana ka iga qaada waa inaan ka dhuuntaaye

Ninuu ciil lafaha buuxiyoo dibinta ruugaaya

Oo luqanta hoogaamiyo gegi xarriiqaaya

Haddii kii xumaantaa ku falay weliba maad maagtid

Sidii laba digaag sow ilkaa layska cuni maayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Nuune, there you go hee marax yahaw smile.gif

 

---------

Saddex Bey Naagtu Igu Lagaday

 

1. Meesha oo sibidh aheed

2. Kabaha oo saan ahaa

3. Iyo naagta oo sinsaariyada(qonofka) aad u taqiiney

--------

 

LooooooooooooooooooooooooooooL damn, afminshaar baad tahay sxb...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this