Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Khadka Taleefanka Kula Hadlay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Arbacadii la hadlay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, wuxuuna isagoo ku hadlaya magaca XFS, uu tacsi u diray dadkii ku dhintay iyo qoysaskii ay waxyeeladu ka soo gaadhay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Abu Dhabi. waxayna cambaareeyeen weerarkaas argagixisanimo.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Wasiiru Dowlaha ka mid ahaanshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horaantii bishan.

Labadan mas’uul ayaa isku raacay in la is dhaafsado fikrado la xidhiidha xoojinta isku xidhka dhinacyada badan leh, iyadoo Qaramada Midoobay lagu wado in bilaha soo socda ay ka doodaan ajandayaasha muhiimka ah ee Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Wasiiru Dowlaha Imaaraadka in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta danaha labada dal oo faa’iido u ah labada dal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this