Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeneyda shaacisey inuu kufsaday wiilka Boqoradda Ingiriiska?

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeneyda shaacisey inuu kufsaday wiilka Boqoradda Ingiriiska?

Virginia Giuffre arriving for hearing in the criminal case against Jeffrey Epstein, at Federal Court in New York, U.S., August 27, 2019.
Virginia Giuffre waxay Mareykanka ka diiwaangelisay dacwad rayid oo ka dhan ah Prince Andrew

Virginia Giuffre oo u dhalatay dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay dhibbane u ahayd kufsi iyo tacaddiyo ay geysteen Jeffrey Epstein iyo xulafadiisa awoodda badan markii ay dhowr iyo toban jir ahayd.

Hadda waxay bartanka uga jirtaa mid ka mid ah dagaallada sharciga ee khuseeya dadka ugu magaca weyn caalamka, kaddib markii ay billowday dacwad rayid oo ka dhan ah Amiirka Britain, Andrew.

Ninka ka tirsan boqortooyada ayaa marar badan beeniyay eedeymaheeda la xiriira tacaddiyada galmada. Balse dadaalladii uu qareenkiisa ugu jiray in kiiskaas lagu laalo xilli uu marayay marxaladaha ugu horreeya ayaa guul darreystay ilaa hadda, taasoo horseedday in maxkamad fadhigeedu yahay magaalada New York ay deyrtii lasoo dhaafay gudo gashay dacwad madani ah oo la xiriirta kiiskan.

Haddaba maxaan ka garaneynaa Virginia Giuffre?

‘Carruurnimo la qaatay’

Ms Giuffre waxa ay 1983-kii ku dhalatay gobolka California ee dalka Mareykanka, markaasna magaceeda waxa uu ahaa Virginia Roberts. Qoyskeeda ayaa markii dambe u guuray gobolka Florida.

Markii ay da’deedu ahayd toddobo sano, waxaa fal kufsi ah u geystay qof saaxiib la ahaa qoyskeeda, “carruurnimadeediina si deg deg ah ayaa looga qaatay”.

“Dhimirka ayuu dhaawac weyn iga gaaray durbadiiba anigoo saas u da’ yar, taasna waan ka cararay,” ayay ku tiri wareysi ay 2019-kii siisay barnaamijka BBC Panorama.

Goor dambe oo ay wali ku jirtay ciyaalnimadeeda, waxay marna galeysay marna ka baxeysay xarun carruurta lagu xannaaneeyo. Markii ay gaartay 14 sano, waxa ay ku noolaan jirtay waddooyinka, halkaasoo ay sheegtay inaysan uga soo kordhin waxba “marka laga reebo baahi, xanuun iyo tacaddiyo dheeraad ah”.

Waxay ahayd sanadkii 2000 markii ay isku dayday inay dib u dhisto nolosheeda, xilligaas oo ay la kulantay haweeney u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada oo lagu magacaabo Ghislaine Maxwell.

 

Ms Giuffre waxa ay ka shaqeyneysay xarunta dalxiiska ee uu Donald Trump ku leeyahay Xeebta Palm, waxa ayna sheegtay in Maxwell ay usoo bandhigtay wareysi fursad u siinaya inay u tababarato la talinta dhinaca farriimaha.

“Waxaan ku cararay aabahay oo ka shaqeynayay goobaha teeniska lagu ciyaaro ee ku yaalla Mar-a-Lago, wuxuuna ogaa inaan isku dayayay sidii aan nolosheyda u toosin lahaa ilaa xilligaas, taasoo ahayd sababta uu shaqo iiga helay halkaas. Waxaan dhahay: ‘Ma aamini doontid arrintan aabbe’,” ayay tiri iyadoo dib u xasuusaneysa.

La kulankii Epstein

Markii ay Ms Giuffre tagtay guriga uu Epstein ku leeyahay Xeebta Palm, waxa ay sheegtay inuu jiifay isagoo qaawan iyadana ay Maxwell amar ku siisay sidii ay ugu diri lahayd farriin.

“Xilligaas waxay i weydiinayeen su’aalo ku saabsan qofka aan ahay.

“Waxay u muuqdeen dad wanaagsan sidaas darteedna waan ku kalsoonaaday, waxaana u sheegay inaan soo maray waqti aad u adag oo nolosheyda lasoo kulmay ilaa markaas – Inaan baxsad ahaa, In la ii geystay tacaddiyo galmo, tacaddiyo dhinaca jirka ah la ii geystay… Arrintaas waxay ahayd waxyaabihii ugu xumaa ee aan u sheegi karay iyaga sababtoo ah waxay markaas ogaadeen sida aan u ahaa qof nugul,” ayay ku tiri BBC-da.

Ms Giuffre waxa ay sheegtay in wax ay fileysay inuu ahaado wareysi shaqo uu billow u noqday sannado tacaddiyo ah.

Bishii lasoo dhaafay Maxwell maxkamad ayaa ku heshay dambi ku saabsan inay aruurin jirtay islamarkaana safrin jirtay gabdho yar yar oo uu Epstein u geysan jiray tacaddiyo, haddana waxa ay sugeysaa in xukun lagu rido.

Inkastoo marar badan Ms Giuffre lagu soo xigtay maxkamadda, kama aysan mid ahayn afar dumar ah oo markhaatiyaal ka ahaa kiiskaas. Waxay beenisay inay weerartay gabadhaas.

Sanadkii 2015-kii, Ms Giuffre waxa ay diiwaan gelisay dacwad meel ka dhac ah oo ka dhan ah Maxwell kaddib markii ay ku eedeysay inay beenleey tahay. Kiiskaas ayaa la xalliyay markii dambe.

Eedeymaha Amiir Andrew

Ms Giuffre waxa ay sheegtay in markii ay ka gudubtay tacaddiyada uu u geystay Epstein in “loo sii gudbiyay dad kale sidii inay tahay miro la cunayo” sidaasna uu ugu wareejiyay dadkii saaxiibbada la ahaa ee awoodda badnaa, iyadoo caalamka loogu wareejinayay diyaarad khaas ah.

Sanadkii 2001-kii, oo ay da’deedu ahayd 17 sano, ayay sheegtay in Epstein uu geeyay London uuna baray Amiir Andrew. Sawir hadda caan ah oo ay sheegtay in laga qaaday habeenkaas ayaa muujinaya amiirka oo gacantiisa dhexda uga heysta Ms Giuffre, halka Maxwell ay ka dhoollacaddeyneyso meel ka dambeysa iyaga.

Virginia Giuffre describes how she asked Jeffrey Epstein to take this picture of her with Andrew.
Virginia Giuffre waxay shegetay inay Jeffrey Epstein ka codsatay inuu ka qaado sawirkaas iyadoo la taagan Prince Andrew

Kaddib markii ay kalaab aadeen habeenkii, Ms Giuffre waxay sheegtay in Maxwell ay ku amartay inay “Andrew u sameyso wixii ay u sameyn jirtay Jeffrey”.

“Runtii waxay ahayd marxalad qarracan ku ah nafteyda… La ima xirxirin balse dadkan awoodda badan ayaa ii ahaa silsilado,” ayay ku tiri BBC-da.

Kiiskeeda madaniga ah, Ms Giuffre waxay ku eedeysay amiirka inuu kufsi u geystay saddex jeer – xilli ay habeenkaas ku sugnaayeen guriga ay Maxwell ku leedahay London, markii dambena ay kala ahaayeen guriga uu Epstein ku leeyahay Manhattan iyo Little St James oo ku taalla jasiiradaha Virgin.

Amiir Andrew, oo ah wiilka labaad ee boqoradda, ayaa wareysi uu 2019-kii siiyay BBC-da ku sheegay inuusan xasuusanin kulan uu abid la yeeshay Ms Giuffre,, isagoo ka jawaabaya hadalladeeda ku saabsan galmada ay ku sameeyeen Mareykanka iyo UK, waxa uu sheegay “in aysan waxyaabahaas dhicin”.

Baxsasho

Ms Giuffre waxa ay u sheegtay Miami Herald in markii la gaaray 2003-dii uu Epstein iska daayay maadaama ay weynaatay.

Waxa ay sheegtay inay ninkaas maalgeliyaha taajirka ah ka dhaadhicisay inuu ka bixiyo kharashka tababar ay xirfad ku yeelaneysay oo ka dhacay Thailand.

Waxaa kale oo laga filayay in ay Mareykanka geyso gabar uu Epstein doonayay.

Taas baddalkeeda, Ms Giuffre waxa ay safarka kula kulantay nin ay jeclaatay ayna guursatay 10 maalmood kaddib.

Waxay ninkaas ula guurtay Australia, sia y qoys u sameystaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this