Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda WHO oo war ka soo saartay khatarta COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa  sheegay in in ka badan 15-Milyan bulshada caalamka ah oo laga qaaday baaritaa ku aadan xanuunka Covid-19 la ogaaday in ay qabaan xanuunka Covid-19,waxaa sida warbaahinta u xaqiijiyay madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus isagoo inta raaciyay in aad u  faafida  Fayriska Omicron.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in la kordhin doono baaritaanada laga sameynayo goobaha waxbarashada si ay u sii furnaadaan dugsiyada ay ardaydu wax ku bartaan.

Jeff Zientis  oo ka tirsan Aqalka cada ayaa sheegay in la geyn doono xarruumaha wax barshada 5milyan oo ah shaybaarada PCR kuwaa oo loo adeegsanayo baaritaanka Covid-19.

Hindisaha ayaa yimid ka dib markii dugsiyada dadweynaha Chicago ay xirmeen maalmo iyadoo ay jirto ismari waa u dhexeeya howlwadeenada goobaha waxbarashada.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda WHO oo war ka soo saartay khatarta COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this