Sign in to follow this  
CARTAN

Dhaqankii Afka Hooyo

Recommended Posts

CARTAN   

Waa sallaamantihiin dhammaan aqyaarta u Heelan Afka Hooyo. Runtii waxaa dhacay wax-yaalo baddan oo inoo geystay dhaawac aan la qisaaysi karin-taasi oo ah in aynu Afkeenii Hooyo ee Hoddonka ahaaa dhaga dhaqaaqno meel cidlo ah, ooaysan jirrin cid u miciini kartaa!!

Sida aan wadda ognahay waxaa beryahaan dambe soo battay dhalinta iyagu iska yeel-yeella in ay ku taaganyihiin dariiqa saxda ah ee ilbaxnimada loo marro,iyagoo Ilbaxnimada u haysta in ay tahay Afka Hooyo oo meel la iska dhigo dabbadeedna la qaato Afaf-qalaad oo aynaan Ab iyo Isir-toona u lahayn!!.

 

Taasina sida cad waxay saammaysay hoos u dhac ku yimmaada Afkeenii Hooyo ee Hoddonka ahaa isla markaasina aynu ka dhaxalney Awoow ka Awoow,Qarni ka Qarni. Haddii aad indha-indhayso meelo baddan oo ka mid ah waddamadan qurbaha ah ee aynu dhammaanteen laajiyiinta ku nahay, waxaa isla markiiba kuu soo baxaya dhaqan xummada ku habsatay dadkeenii ilaa marka laga reebo xooggay yar oo illaah naxarriistiisa ugu deeqay maahee!, intii kale oo dhan waxay raaceed daad aan la garan karin meeshi uu ka yimid ilaa halka uu u socdo-toonna.

Su'aal macquul ah loo u baahan in lays wey-diiyo ayaa waxay tahay; Yaa Mas'uul ka ah dhaqan Gedoonkan inagu dhacay haddii aan nahay Bulsho weynta Soomaaliyeed?...

Su'aashaas iyo kuwo badan oo la mid ah markii aynu si fiican uga jawaabno, waxaan heli karraa barta ay dhibbaatadan ka soo ifbaxday iyo siddii lagu xallin lahaaba.

 

Bal aan inoo soo qabto Gabbaygii ka hadlayey wannaagga iyo asnshaxa Afka Hooyo. Gabbayga waxaa alifey Maxamed Ibraahim Hadraawi...

Ku soo dhawoow waatane oo wax ku qaaddo fadlan.

.......... AFKA HOOYO .......

 

 

Dhalashada afkaygiyo

dhigashada fartaydaan

kaga baxay dhibaatoo

hawlihii ku dhaafee

iyadaan dhaqaalaha

dhidibada u aastoo

dheeliga u diidaye

dhulka wada jirkiisii

iyadaa dhamaysee

 

WAA INAAN KU DHAATAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHISTAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHAQDAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHERGAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHINTAA, AFKAYGA

 

Shalay dhabanahayskii

dhoolla ka qosol maanta ah

xalay baw dhexaysee

dadka dhooban meeshaa

laysku soo dhowaadee

Dhanka qudha u jeedow

MA HESHEEN DHABAALKII

hadalkii ma dhuuxdeen

ma idiin dhadhamayaa

 

 

WAA INAAN KU DHAATAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHISTAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHAQDAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHERGAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHINTAA, AFKAYGA

 

 

Qofka dhoohanow arag

KII DHEGA la'ow maqal

Haddaan dheri laguu shidin

dhuunigu ma kariyoo

waxba lagama dheefee

dheehoo danteennnii

Halka Dhaawac kaga yaal

lafta dhabarka weeyee

BOOGAHA MA DHAYNAA?

 

WAA INAAN KU DHAATAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHISTAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHAQDAA ,AFKAYGA

WAA INAAN KU DHERGAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHINTAA, AFKAYGA

 

 

WAA INAAN KU DHAATAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHISTAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHAQDAA ,AFKAYGA

WAA INAAN KU DHERGAA, AFKAYGA

WAA INAAN KU DHINTAA, AFKAYGA.

Daddoow yaan Dhugashada Afkeeniyo Dhaqankii Hiddaheena Dhulka looga dhaqaaqin.

Halkaas haynoo joogto Caawa iyo Maanta.

©Maxammed Ibraahim Hadraawi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Walaalo, waad ku mahadsantahy waanada. laakin, dadka dhalinta eeh af somaaliga qorin kama aha somaali diid ... ee afkii ayaa nagu adag.... anigaa iska hadlaaya.

 

imika jawaabtan yar aan kuu soo qorayo, hadii aan af ingriisi ku qori lahaa 2 mirir bey qaadan lahaayd.... maalinkasta, meelkasta waxaan qoraa english ..... i never have to write or read somali .... so it takes me longer when i am presented with a situation like this one. (sorry i have 2 switch english cos this message is just taking 2 long - i feel like an idiot now lol)

 

 

Meel baan ka akheriyey in uu afka hooyo dadka siiyo quwad .... language equals power. For example, markii ay ingriisku colonise gareeyeen african countries they took away afkoodi and gave them the african language. imika the same situation ayaan ku jirnaa .. we are powerless and hence language less. somaliga wasn't in print for a long time, so a lot of parents (esp. mothers) are illiterate in the language making it more difficult to teach their children somali in qurbaha.

 

In some high schools in London, they are starting to offer somali as an exam subject. That wasn't possible when i was in high school, but i think it would be great if this was extended across the western world.

 

It is up to us, as somalis to preserve our language and heritage........ I liked da poem by the way ..... Hadraawis somali is hard tho.

 

cwm27.gif

 

Salaaaams,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buubto   

Cartan waa ku mahadsantahay waanada aad noo soo jeedisay walaal jira ayaan ku leenahay. Gabayga mid aad u wanaagsan weeye. ) cwm1.gif

 

Lakinse mid ayaa ku qaldantahay, ma aheen in aad na hujuunto oo aad naga dhigto dad ka faantamaya afkooda oo il bax modaya af shisheeye. Like they say every story has to side to it. Horta wax ka faanid la yiraahdo haba yaratee ma jirto just, waxaa inoo fududaaday afkan qalaad oo aan isticmaalno daqiiqad waliba. Iyo walaalaheen oo aan netka wax ku kala weydaarsano adeegsada afka english-ka.

 

Cartan waa adiga dhalinta weereeraye miyaadan u jeedin inta Somali website ey leedahay oo ku qoran af qalaad, xitaa hal website oo afkeena hooyo ku qoran ma ey jirto so what sort of example r they sending to our youth? Xitaa wey kari karaan in ey dhalinta example u noqdaan ey Somali language course online run gareyaan balse no they don’t. marka cartaanow waxba hana hujuumin. Qaladkan waa mid dhacay, dhalintana gafka malaha.

 

Teeda kale reer guraa hadii aan nahay tani in ey dhici doonto wax garadka somaliyeed wey ogayeene maxaa la isku indho tiri, Somali Swedish, Somali Arabian, Somali American, Somali Nederland’s, Somali Denmark’s, Somali French, Somali uk & etc. intaba in ey soo baxayaan meyaan la ogeen.) cwm28.gif

 

Gacmo wadajir ayee wax ku qabtaan baa horay loo yiri aan is gacan qabano oo aan taa geerno afkeena waxna aan isku weydaarsano

 

P.s Ameenah is right when i say i will write something in somali it takes me ages just worrying if the garama is right lol

cwm25.gif

 

------------------

"Our Lord! forgive us our sins and anything we may have done that transgressed our duty: establish our feet firmly, and help us against those that resist Faith." (3:147)

 

[This message has been edited by Buubto (edited 03-31-2002).]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Cartanow, ma kala aqano shaqal dheer iyo shaqal gab iyo xarfaha labalaamo. teeda kale marki aan afka hooyo wax ku qoro waa ley aflagaadeya oo lagu yirahda: xamari, sijuu, lagu ma fahamaye ee af somali ku hadal/qor!!!! maxa talo ah.

Ruuntii aniga luqada waxaan uu arka 'tool' fududeeya 'communication'. Marka haddi luqada kale ee qofka uu fududeeneyso communication dee waa caadi marka!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

cartanoow, sida ay aamina iyo buubto ku sheegeen, waxaa jira in dhalinyarada qaarkood ay ku adag tahay afka,kuwa kale ayaa jira oo afka yaqaana(anigu aan ku jiro) afka qoridiisu dhib igama haysto oo waxaan rabo inaan iraahdo af soomaali waan ku qori karaa, laakiin faa'iidadu maxay tahay hadaan la i fahmayn, sidaa aawadeed si ay dadku ii fahmaan waxaan ku khasbanahay inaan af ay fahmayaan aan wax ku qoro, mana eedayn kartid iyaga, sababtoo ah hadii aadan somalia ku soo korin si kasta oo afka ugu hadli karto marna comfortable kuma ay noqonayaan in ay qoraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ashwaq   

Waad Mahadsantahay Cartan.

 

Su'aasha aad na waydiisey ee ah afka Somaliga maxaa lumaya marka qurbaha la yimaado, haddaan is iraahdo ka jawaab, aniga waxay ila tahay sidaan:

 

Qofku marka uu qurbaha yimaado, si uu isaga dhaqo "jaahilnimada" ( Allow na cafi) waxa uu isku taxaluujiyaa in uu muujiyo inuu ku hadli karo Afka Englishka ama hadba dalka uu joogo. Markaas ayuu noqdaa ilbax. Haddii uu ku hadli karin Afka qalaadse, dadka faciis ayaa u arka mid aan casriga la socon oo dambeeya.

Teeda kale waxaan arkey dadka Internetka isticmaala in ay yiraahdaan ma naqaan afsoomali sida loo qoro iyaga oo ka cararaya da'. Waayo, haddii uu qofku qori karo afsomali waa in uu da'ha qaarkeed yahay. Waa sida ay iyaga la tahay. Lakiin taasi sax maaha.

 

Walaashey gabadha ay dhashey waa 8 jir, waxay ku dhalatey Maraykan, Somaliya waligeed may araga, haddana ka hadal fiican qowsaaro faro badan oo shaley soo galey oo isku riday maskax farad, oo kuleh waan ilaawey soomali ama ma qori karo waa igu dhib " yeah righ, and I am the queen of the nile" cwm39.gif

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

waxaan halkaan ka dhibanayaa fikradeyda ku saleeysan Afkeena hooya, marka ugu horeysa yaan eeda la saarin waalidkeena, sababtoo ah waalidka ama ruuxaad la nooshahay way ku hadlaan af-somaaliga, kicintiisa waa fudud yahay, marka loo eega ingiriiska. waxaan qurbaha ku arkey nin/naag iska doondoonaya iney ku hadlaan af qalaad iyagoo mooda ilbaxnimo, oo aadan fahmeynin waxa ay ku hadlayaan. haddaba hadaad iskuul aado ama aad shaqaalo tahay intaad ku hadasho afka qalaad way kooban tahay, marka yaan leys indho tirin oo aan layska dhigin qofaan soomaaliga aqoonin. ku dadaal qof walbow sidaad u baran laheyd Afkaaga hooyo. walaalkeen carto wuu sax yahay, waxaan u arkaa af-soomaaliga mid fudud.

 

waad mahadsantihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Ninba Afkiis, Nabiyoo Ummadaa. smile.gif

 

Cartan, sax. Afkaan wax ka fudud maleh. Dadaa dhahaayo adeeg waaye. Af walba qoraalkiis adeeg waaye, qoraal hadee noqotana af Soomaali aa ugu fudud oo loo hingaadiyo dhawaaqo uu qofka ugu dhawaaqaayo. Af Soomaali hadii ka fahantid guud ahaan qoraalkiisa fudeed waaye oo dadaa dhibo sidii Ingiriis camal ugu dhawaaqo ereyadaan oo dhib ku eh ama isku qaldo:

 

O iyo U. Shaqal dheer iyo shaqal gaab.

 

Kuwana wixii fudeedka aaba u gooyey oo ah:

 

X, Kh, C, Y, Q.

 

Kuwana maba kala bixin karaan:

 

Kh iyo Q. K iyo G. Sida Qayr iyo muKHtaar camal. Eed maleh Soomaali luuqad sodon sano kaliya qorideeda socoto waaye, lakiin hadii isku tijaabisid fudeed caleeg waaye.

 

Teeda kale kuwa dhahaayo markii la qoraayo af Soomaaliga adeeg waaye. Been iyo nus. Saas Ingiriiska u qoreysiin aa u qori kartiin af Soomaaliga. Markii af Ingiriis qoreysiin waxaa isticmashiin midka jidadka {ama informal miyaa?} loogu hadlo. Marka af Soomaali oo midka jidadka loogu hadlo aa qori kartiin. Maxaa yeeley waa wareerteen markii af Soomaali qoreysiin waxaa rabtiin inaa qortiin kan abuu asal ah. Mayaa sida Ingiriiska camal waaye. Informal iyo formalkiisa waa wada qabaa. Ani keyga af Soomaaliga informalka loogu waco waaye, saas waaye. Markuu af Soomaaliga kaliya ku dhibaayo waxaa waaye markii aa iska doon dooneysid inii sidii Sayidka camal wax u qortid. Kaas dhib waaye, lakiin mid abuu jacburis caadi saana waaye.

 

Intaas lee.

 

Marka mida kale kii ku dhalan Soomaaliya oo sheego afkeey ma aqaano, booto iyo nus uu sheegey. Boqolaal ku dhalan Soomaaliya oo 7, 8, 9 iyo 10 jir ah aa arkey oo af Soomaaliga kaa badiyo bo. Qoraal ama hadal.

_________________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this