Sign in to follow this  
Naag-qaawan

Somali Music Lyrics..........

Recommended Posts

Salaaamz everyone,

 

I'm hoping one of you can tell me, Where to find Somali Music lyrics? Every website I go Has the Listening Version but Not the Text.

 

Ninba wuxuu ku taamaa

ama hees ka tiriyaa

tixo gabay ku sheegaa

halka lagu tallaalee

hawadiisu taallee

uurkiisu tebayee..........

 

Thanks in advance,

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   

Do a search on Somalia Online.

 

search for the term "Hoyga" or "suugaan"

 

I am not sure how the above website will help you, but it does have some very interesting poetry. Again, we are still working on the many sections of Somalia Online including the search directory so please be patient if you don't find the website you are looking for.

 

Thank you

Somalia Online Team

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buubto   

To the poster

http://www.somalilandnet.com has a wide range of somali songs they almost got every somali singer song trust me is the only hot somali songs websie. Remember to fellow the instructions first u have to register in music section in order to open the song u want to listen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buubto and Admin thank you for the INfo,

 

Buubto, Abaayo thanks but I asked for the 'lyrics' meaning somali songs written down for us so we can read them instead of listening to them.. anyway, thanks again for the help..

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaber   

of all of the somali songs....there is one when I listen to xididada jidhkayga kaga dhaq dhaqaajisa....here r the few lyrics I still remember

 

 

haduu beerko qaybsamo badh baan adi ku siin lahaa

 

wadnahayga bidixdana waan kuu bedeli lahaa

 

kaagana waan la bixi

 

waa booli dhiiguyee.....kaa la maa baqayleene

 

nafta laba bahood noqon badhkaagaan ku siin lahaa

 

iyo hadaad cabayso bisinkaan ku dari lahaa faataxana waa kuugu dari lahaa

 

ilaah waxan baryaa aduunyada baraariyo farxad inaad ku waartiyoo aakhirana bishaariyo janada inaad ku baaridaa

-------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

WOW......Jaber, U have good taste in music, That song is one of my Fav's... wink.gif

 

 

This is another one I luv..

 

 

Bi'i waa jacaylow

Boodheri inuu dilay

Been baan u haystee.

Bi'i waa jacaylow

Boog aan la dhayinoo

Cidi baanan karinoo

Beerka iyo wadnaa iyo

Boggaa kaaga taalliyo

Inuu yahay bir caashaqu

Been baan u haystoo.

 

Webigoo butaacoo

Beeraha waraabshoo

Dhulka baadku jiifoo

Dhirta ubaxu buuxshoo

Canabkii bislaadoo

Badarkiyo gallyddii

Laga tuuray baalkoo

Bulladiyo ciyaaraha

Lagu waa bariistoo

Beeluhu gu' joogaan

Sow beri-samaadkii

Beledweyn maan tegin.

 

Dhanka bari magaalada

Sow boqorod joogtoo

Biyo dahab la moodoo

Bilicdii haweenkiyo

Bili loo dhammeeyoo timo.

Timo boqonta joogoo

Baal goray la moodoo

Baarkana casaankii

Bidix midig is-gaadhoo

Bul-cad lagu xineeyoo.

Badh ku seexanaysoo

Barkanaysa qaaroo

Huwanaysa baaloo

Igu beer-dilaacshoo

U buseelay maan baran.

Sow goor barqa ahoo

Bishu ay siddeed tahay

Aniga iyo Beerluli

Isku maannu soo bixin.

 

Sow bariidadayddii

Buundada ciyaartee

Beled-weyn ku taallee

Biyo lula guudkood

Badhtankeeda maahayn.

Sow bixiso weeyee

Ballan maannu dhiganoo

Berri joog imay odhan.

Sow bayd go'aygii

Layguma bushaarayn.

Maantaa la baxayaa

Bulshadii imay odhan.

Sow waa bestayoo

socod beegsan maayee

Inna baaja caawoo

I baxnaansha maan odhan

Sow taliye baasoo

Ba'noo war-moogi'i

Taydii ma beenayn.

 

Sow badiba kooxdii

Goortay badheedheen

Baabuurka fuuleen

Anna baal kamaan korin

Boholyow daraaddii

Sow baraq nuglaantii

Belo lagu ducaystoo

Baryo kuma maqnaynoo

Biri may xumaatoo

Baadroolka daadsho

Ka wadaa bukoodoo

Bogsan waayo maan odhan

Sow beriga waagiyo

Barqa kulul dhexdoodii

Geed baaxad weynoo

Dherer iyo ballaarloo

La yiraahdo Baaroo

Bilig dheer hirkiisii

Ma bidhaansanaynoo

Bulxankiisa yeedhiyo

Ma maqlaynin baaqii.

Sow baaxad soortii

Iyo laba boglayntii

Maan noqon bestayoo

Bacadkii ma dheelliman.

Sow galab-boqoolkii

Annagoo barwaaqiyo

Meel baadle joognoo

Tumanaynna Beerray

Soomaan baraarugin.

Riyo beena weeyee

Sow baalla-daymii

Baabuur lalaayoo

Haad baalle moodoo

Nafta sow ma biimayn

Nin Benaadir joogoo

Beled-Weyn la haysoo

Waxaan ahay la baabee

Sow baadi doonkii

Weli baafis maan ihi

 

Beled-Weyn Allahayow

ka dhig beerta raaxada

Ka dhig xero baraareed

Beerlula Allahayow

Belaayada hareer mari

Beled-Weyn Allahayow

Ka dhig guri barwaaqeed

Beerlula Allahayow

Beryo samo ku noolee

Beled-weyn ka dhig beerta raaxada.

Beerlula Allahayow ka bari waxyeelada.

 

 

------------------

Anything good I said came from Allah...Anything bad I said...well..thats PMS talking.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Wacdaraha adduunka, #1 Favorite of mine, I like the meaning behind the song!!

 

Walaac Anigoo ku seexday maxaan walabahaar la toosay

wareer anigoo la liita maxaan werwer jiifi waayey.

Maxaan sida weer cadhaysan saqaa dhexe gaaf wareegay

intuu waqal ii hillacay maxaan kula rooray weelka

u baydhay wadiiqo leexsan wakhtigu i tilmaami waayey.

Jacaylku muxuu i wiiqay muxuu wadnahayga shiilay

maxaan shimbiraha waraystay u dhiibay waraaq daboolan

haaddii wacdigayga qaaday cid wey i tidhaahda waayay.

 

Waayeel dadoow inaan waalanahay

duni weer sidoo weligeed dhintoo

wacadkiyo xadhkii weydaarataan

weetaynayaa

 

Wadeeco maxaan ilaashay waraabe kasoo xareeyey

sac weyda maxaan u dhaanshey Walwaal uga soo arooray

halkiisa kusoo waraabshey maxaan weli soo kaxeeyey

wadaaddo maxaan u yeedhay u loogay wankayga fiican

Waxyeello halkay u taallo naftayda maxaan ka waanshey

walaalkay niman u haystay muxuu waddo ii fadhiistay

qof aan wehelkayga mooday ka qayba galay weerarkayga

ruuxaan la wadaagay cunto ku wiirsaday dhiilladayda

 

Waayeel dadoow inaan waalanahay

duni weer sidoo weligeed dhintoo

wacadkiyo xarkii weydaarataan

weetaynayaa

 

Maxaan wacdaraha adduunka u soo jiray waayaheeda

warkeeda la ii dhammeeyey maxaa waran layla doonay

habeennimo layla waayey nasiib kayga ku waaberiistay

maxaa dabin lay wareejey wedkayga la ii shir-qoolay

maxaa dacar lay walaaqay waabaay ku caafimaaday

 

Maxaa wacad layla qaatay rumaystay Walaahi beena

maxaan webiyaal is jiidhay dhexdooda ka waab samaystay

wanaag anigoo sameeyey maxay wadhi ii danbaysay

 

 

Waayeel dadoow inaan waalanahay

duni weer sidoo weligeed dhintoo

wacadkiyo xadhkii weydaarataan

weetaynayaa

 

 

 

------------------

Ex-Dhilo Now A Muslimo.... 2nd chances in life are the best chances!!........Use them wisely.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faiza   

I love that the Administrators of the site are taking intrest and part in discussions.I think I am gonna enjoy taking part in this site,enjoy being a nomad member.I think Am gonna recommemd this site to all of my friends.It's a profanity free place where evrybody is an adult.I LOVE THIS PLACE!!!!

 

Paece and Harmony now!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Aniga runtii heelooyinka soomalida aad ayaan u jeclahay.

Naag qaawan: hestaas oo ad soo qortay, waxaa beri iiga sheekeynayeyn ninkii is kalahaa oo ah. Hadraawi. Waalaahi qosolkii iga dhameeyey. Waa balse maraan dheereyn waa 1997. Aabe ayeey saaxib yihiin. waxaan ku keenay sheekadaas. waxaa ii kasheekeynayey heesta iyo sida uu ku tiriyey. Heesti waa hees haad xigmad u leh.... waxaa naasbidaro ah laakiinse maanta ineysan jirin Abwaano la mid ah kuwii aanu naqaaney.

Ex-dhilo: that is indeed a very personal song. aaad ayaan u jeclahay. INkastoo uu Maxamed noloshiisii aad u gaabneyd balse heesahiisa everyone can connect to them.

 

Yaanan war idinku daalinin, waa tan hees aad personal iigu ah:

Beeni raad ma leh: waxaana heesta qaada, Salaaad Darbi.

 

Ratigaan hayinahay aqalkuu ridaayoo

rarka lama dulsaare

Dumarkuna ramaas iyo ramad geel nin maaley kaa raacayaane

Qalbigeygu tuu rabay raaliya ma noqotoo

Run ka gaari waaya

Ana waan is raacshayoo riyada iyo hurdada baas

Ayaan reer ku ooraa

Xalay baan riyoodayoo

Ruux ani ii timid raadkeeda gurayee

anigiyo raxmoo quraa

ayaa ruc isla joognee

Beeni raad ma leh... aah aaha aa

Beeni raad ma leh.....

Beenalow run ma moodaa..

INtaas ayaan idinku filan yaan moodaa....so enjoy!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

here is a good one....

 

inanyahow rag iyo dumar rabi baa isu umoo

 

waxa urku uu rabo afka lagama qariyee

 

waan kugu riyodaa

 

waan ku dalay radiskagii weey weey

 

qalbigii ku racaa raysanwayay awgaa

 

iga daa rogrogashada.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
faysal   

kaalaya ma hobolaad tihiin waxaan arkay hablo walaahay aad la yaabayso heesahooda

ana waan tumaa cuudka markaa inantii rabtaa in loo tumo waanu utimi weliba EX-dhilo aad ayaan kaaga helay heestii marxuumka

lakiin dhardi bahashaad iska daysay ha ku noqon mar danbe

by

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

growing up in the west has it's down sides...

i can't understand any of the stuff you guys are talking about. i never actualy listened to somali songs before. i never understood them, so i didn't bother listening. but recently while i was driving to New York with my cousin's they were listining to this song that i realy liked...something about "something...dalkaada hooyo". it's a patriotic song. and i realy liked the lyric.

 

do any of you guys know the song?

 

later guys

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawd   

EID MUBARIK EVERYONE

Hi naag-qaawan, NICE NICK.

 

Anway, i have read your message and i believe you were looking for the full lyrics of the song TOG-DHEER. I am happy to post to you the full lyrics of the song, so take it as EID PRESENT from strange

I have posted some of the lyrics to my website but didn't finish off but i will finished here today.

 

You can get the full lyrics of the following songs if you are interested at my website.

www.geocites.com/abdikar1. You can also visit it through somalionline personal websites.

 

 

Hudh

Abdi qeys

HAATUF

HOOYOY

GIVE ME SHOUT GUYS IF YOU NEED ANY OF HADRAAWI LYRICS.

.........................

 

TOG-DHEER

 

Ninba wuxuu ku taamaa

ama hees ka tiriyaa

tixo gabay ku sheegaa

halka lagu tallaalee

hawadiisu taallee

uurkiisu tebayee

dumar taan ka sahansaday

waa gabadh Tog-dheeroo

Maxamuudi toox weyn

saddex-qayd ku tolatoo

tusbax luqunta gelisoo

tafta daray-muuskii

taakiyo badh muuqdoo

dhaclihii tarraxayoo

sida boqorad taash xidhan

hadalkeeda tirisoo

toddobaatan jeer baan

soo toosay xalayoo.

Sidan time haldhaaley

ugu tebey hurdada xalay

anigaba Tog-dheer baa

tusku iiga muuqdaa.

 

Ninba wuxu ka taahaa

ama talal ku sheegaa

ama gacan ku taabtaa

halka laga taftaafee

BURCO waxay ku taallaa

xididdada tin iyo cidhib

tebinaaya dhiiggee

hadba dhan u tallawshoo

dayax taaba-qaadoo

toban iyo shan joogiyo

xiddigah tartamayee

isku taxay dushiisaa

tahan iiga hirayoo

Tusmo barashadeediyo

Taltallaabisigeediyo

tarantarinta laafyuhu

 

meeshay i turuqdiyo

tawstay i gelisaa

igu sii tarmaysoo,

Sidan timo haldhaaley

ugu tebey hurdada xalay

anigaba Tog-dheer baa

tusku iiga muuqdaa

 

Tuke Bari ka yimi baan

tusay boogahaygoo

u tilmaamay beeshoo

tebi idhi dhambaalkee;

taarkii ma geynoo

isma tarin dedaalkuu

u tabaabulshaystoo

taab-gaabnidiisay

naftu xadhiga tawseed

ugu turanturootoo

la tawaawacaysaa.

Miyuu tuuray hadalkii?

Miyuu tiray jacaylkii?

Mise tulud raqdeeduu

ugu taaganyahay geed?

Mise wuxu tukanayaa

Faral iyo Taraawiix?

Mise wuxuu taraarkii

kala dhacay Tabciyo SHeekh?

 

Sidan Timo haldhaaley

ugu tebey hurdada xalay

anigaba Tog-dheer baa

tusku iiga muuqdaa........

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wifeyona   

Can some body tell me the Lyrics to the Song

 

JACAYL AAN LAGULA WADINA YUUSAN WAKHTIGA KAA LUMIN???????

 

 

I'm Really Dying to know ........

 

 

Thank YOU!!

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this