Sign in to follow this  
Buuxo

Incovenient truth

Recommended Posts

Speaking of Yam-yam, the poet once composed a belated response to the Guur aan ka la'aado poet! If anyone has Yam-yam's gabay please share with us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Enjoy.

 

Godkii aakhiree lagugu riday jeer uunbaan galiye

Naxariis gu weynbaan Rabigay kuu galiinsaday

Aw Yuusuf gabaygii ahaa guur aan ka laaado

Gabdhihii markaa joogay eed diiday gogoshooda

Gefefkiyo tilmaamihii cadaa iid ku gali waydey

Hadaad maanta goob joogi layd kama gidaadeene

 

Geeraarka adigoon maqlayn kaagi garab yaala

Cimrigiyo gabdhaha aan wakhtigan isku soo gaadhay

Aniguna intaan uga gabaday geed aan ka idhaahdo

 

Gablan iyo inaan ubad dhalaa wey gudboon tahaye

Madaxayga guudkaad cirada galayax moodaaye

Gabowgii waxaa iiga hadhay dhowr guyoo kale

Guumays waxa iga dhigoo doobka igu gaaxshay

Een dumar qaar uga gabaday geed aan ka idhaahdo

 

Guduud iyo adoon qurux hurayn gaari aad xulatay

Beri hore gayaan iyo kufbaa wada gudboonaaye

Geelana midii qaayibtaa loo gunayn jiraye

Intii aan bacow gaadan laa golo ku joog fiican

Mar haday gar dhalad wada noqdeen guur aan ka la’aado

 

Caadadii la gooyaaba waa geeri iyo ceebe

Guudkii badnaa iyo tintii gelefka aad mooday

Ee guur ninkii doonayaa muuqa garanaayey

Garoob iyo midii reerle iyo taan la guri gaysan

Gamboolay haday wada noqdeen guur aan ka la’aado

 

Gaabsiga xishoodkiyo midaan edebtu soo gaadhin

Ee maro guntiimaysatee gibilka qaar muuqdo

Ee naasku inuu giigsan yahay wiilka gelinsiisa

Markay wada gabraartaan intaan goyn lahaa madaxa

Ana geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado

 

Goobatada habaynkii gudeen goor walbaba joogsan

Gasiiriyo midii aan Jimcaha geedka laga waayin

Ee ina-rag kii nini wataa raaco gacanteeda

Marna tii aan gaagixin hadii gorofka loo qaado

Intay gaadhi iga raaci layd guur aan ka la’aado

 

Geerashkiyo midii xeer taqaan qaadka gurigiisa

Gogoshiyo falaasyadii midii kala dhex gowdiida

Ee jaa’ifada loo guree lagu habayn guuro

Ee labo gundoodoo nin kale galan galcaynaysa

Intay galab rag kale ii keeni layd guur aan ka la’aado

 

Garab rarato, meel kuma gabada, guura bahaleeya

Sida igadh gandaalkeed la sido niman ku gaaf meera

Gurashada sigaarkiyo shaxaad gees walba u baydha

Markaa googo’ kii siinayaba gacalsatee raaca

Waabaayaday gurubsataa taasuyee guur aan ka la’aado

 

Ta cidiyaha aan gurin tintana gaabisee madhisa

Goodaado beer dheer aan cunin dheefta gurigooda

Gidaarada habaynkoo badh tegey wiil garbaha haysa

Gorayada surwaalka leh midaan ruux u garan waayey

Xidin-xiitadaa aan gam’ayn guur aan ka la la’aado

 

Gunuus badan had iyo jeer gurxama deriska guul-guula

Garba qaawan wiinbaar gashada gogol ma loo doona

Gagabsiga yar mooyee marnaba guurka ma xusuusta

Dhaylada midaa loo gadee awlal kaga goysa

Xuurtaa aan hamuun goynahayn guur aan ka la’aado

 

Ta aqoonta loo gado baree garasho loo yeelo

Cilmigaa asaageedu gayo tii la garansiiyo

Gargaariyo markii reer tashigi gacal ka eegaayey

Hadii ay quraarado gashoo gaalo la ciyaarto

Gablan bay adoogeed ka tahay laguma goohaane

Cadho waalid bay galabsatee guur aan ka la’aado

 

Garoob maal leh oo dhawr sacaad waabka soo gelisay

Oo guri cariishiyo dukaan ganacsatee haysa

Caanaha gadhoodhka ah ninkay gelin dhexaad siiso

Noloshiisa anigow garlay guul ka dhigataaye

Intii lay guhaadayn lahaa guur aan ka la’aado

 

Mida guursatee guriga lee gabanadii tuurta

Ee baladka gaashgaashisee gaatin soconaysa

Ee goor qaboona ah baxdee godadka fiidmeerta

Guuguulka waa lagu yaqaan raro-gubyood ka ahe

Intay ubadka gaasiri lahayd guur aan ka la’aado

 

Ta gugeedu weyn yajay asee gaanisada dheesha

Een da’deed la gooshinee gurbaysnimo kufaanaysa

Googoradda bowdada ka maqan xaluska giirgiiran

Waa cudur nasoo galay asii aan la garanayne

Gimrigeedii taa gabawartana guur aan ka la’aado

 

Ta jacaylka gaadada u sudhan meel walbaba gaysa

Ee dhawr nin guubaabisee laxawga gaadhsiisa

Adaan gooni kuu ahay waxay kugu garaacdaaba

Markaad labada ******* gaftay kaa xamaan guran e

Dumaashiday intaan gocon lahaa guur aan ka la’aado

 

Midda ganaca weyn lee ibtilo aasha loo galiyey

Ee nabar la gaadhsiiyey iyo garac lasoo dhooftay

Ee gabanka aabihiina tidhi waygu gacan saydhay

Indha gudhay dhafoorada gotaad taa ku garataaye

Ceebteedu ima soo gashee guur aan ka la’aado

 

Guunyada middii aabaheed lagu galiimaysto

Waxay gocato taan waayinoo gaajo wali taaban

Ee gacanta maal ugu jiroo gaadhi dheer wadata

Nin qudhaad u gaar tahay yaan ruuxna galinayne

Intaan gaws libaax gali lahaa guur aan ka la’aado

 

Guddoonkaygii goortaan intaa gacan-togaaleeyay

Oon waliba soo gaabiyoo qaar u gali waayey

Gogol iyo sariir aan lahayn gaari raaliyo ah

Inaan galangalceeyaa tashiga iiga gow yidhiye

Maxaa kula gudboonaan lahaa taniba waa goor e

Share this post


Link to post
Share on other sites

Many thanks to you yaa Ducaysane.

 

Gaabsiga xishoodkiyo midaan edebtu soo gaadhin

Ee maro guntiimaysatee gibilka qaar muuqdo

Ee naasku inuu giigsan yahay wiilka gelinsiisa

Markay wada gabraartaan intaan goyn lahaa madaxa

Ana geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado

 

A prevalent phenomenon in Somali malls in MN!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayeeydey baa bari inta Jarmalka aadey ii keentey shaar. marka shaarku shaar gabdheed buu ahaa. waxaan ku iri ayeeyo shaarkaanu waa shaar gabdheed. Markaasey waxay tiri. "War shaarka qaado waryaa. Yaa gabadh shaar ugu talagaley" :D:D LOOL

 

Waxa gabdh shaar ka yar qabta oo Minneapolis taagan haday maanta arki lahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Looooooooooooooooooool. Bless her :D .

 

Alla ya rahma, Yamyam.

 

Originally posted by xiinfaniin:

Many thanks to you yaa Ducaysane.

 

Gaabsiga xishoodkiyo midaan edebtu soo gaadhin

Ee maro guntiimaysatee gibilka qaar muuqdo

Ee naasku inuu giigsan yahay wiilka gelinsiisa

Markay wada gabraartaan intaan goyn lahaa madaxa

Ana geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado

 

A prevalent phenomenon in Somali malls in MN!

And everwhere else Somalis congregate. 'Ana geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado' ayaa meel weliba ka taaggan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ :D:D shidadu meel walbaa waa ka jirtaa adeer.

 

Anna geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la'aado

 

The man was beyond his years. He composed this poem in eighties I believe, an era that well preceded the culture of 9.1.1 calls that we've accustomed here in the States.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yam Yam was one of those PPle I wanted to meet, and I finally met him in Ohio. Mid yaroo Soomali ah baa jiirtey Odaga asagoo jidka gooynaya. She did not have driver licinse and insurance both. Yaa laascaanood ku celiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Xiinfaniin,

 

Adeer arrinkaasi waa mid jira oon ishu laga daahan karayn. Goob waliba duul aad malayso in aan bisinka loo qaban ayaa sida musqul soo fakatay faradaro la yaacda. Hablahana intooda badan Eebaa u deeqay oo waa hanuunsan yihiin waloow ay jiraan qaar ay caqiidadoodu liidato... Marka intii laga fara-xalan lahaa oo guurkoodu uf la odhan lahaa inagoo bal ducadii gaagaabka ahayd afka saarno ayaa nala gudboon smile.gif oo bal soo xero gelisa baadida inaga maqane hadana Mallalka yuururta :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^War gabdhaha isaga hara, Abwaanku wuu saxsanaa tiisuna waa arin guud, idinku wixiinu waa kabadbadis, allow yaa inoo bilaaba miyay idinka ahayd.

 

 

Lool @ Ducaysane, Laascanood Abwaan kasoo dilla idinkana :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kaare dille,

What do you mean "idinkana" aniga yaad igu dartey. mida labaad nimankaas hada in la sugo ma ahane. ma qof laga dilaa hada ku jira. :D Sidii ay xagaa iyo Hargaysa u qabteen iskuma aanan fiicnayn nimankaas. Horta bal Garoowe ha laga xukumo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this