Che -Guevara

Kenya pulls out of maritime case with Somalia, cites bias and COVID-19 impact

Recommended Posts

Kenya's creation LOL

Quote

Kenya refashioned the coastal geography by using the parallel to latitude maritime border. Bears no bearing to the actual coastal directions.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

There is this young man from Mudug called Captain Ayub. Addressing the likes of Apophis he said:

Haddaad maqasho nin Siyaad Barre hadal haya ama caayaya habeen iyo maalin , ma ahan raggii la dagaalamaye, waa kuwii dheriga karin jiray ama meelaha ku dhuuman jiray. Sida C/raxamn Cabdishakuur oo malcaamad Quran dhiganayey markaas.

Those who took the gun against the former regime do not dwell on the past or keep insulting the dead. Have you seen Cali Guray of Somaliland, or the Reer Mudug ever play the victim card? Never.

All you hear is Faysal Waraabe, C/raxman Shakuur and the likes of Apophis who never seen a bullet in their  life.

Yesterday in Jigjiga , former BBC reporter Catoosh,  who is the twin brother of Apophis,  hit an elderly man in the head during a heated debate about the maritime issue with Kenya. Go figure.

Waar malaha waa kuwa Soomaalida Kabaandhaha weydiiya ee jeelasha ku gura.

Share this post


Link to post
Share on other sites
6 hours ago, galbeedi said:

There is this young man from Mudug called Captain Ayub. Addressing the likes of Apophis he said:

Haddaad maqasho nin Siyaad Barre hadal haya ama caayaya habeen iyo maalin , ma ahan raggii la dagaalamaye, waa kuwii dheriga karin jiray ama meelaha ku dhuuman jiray. Sida C/raxamn Cabdishakuur oo malcaamad Quran dhiganayey markaas.

Those who took the gun against the former regime do not dwell on the past or keep insulting the dead. Have you seen Cali Guray of Somaliland, or the Reer Mudug ever play the victim card? Never.

All you hear is Faysal Waraabe, C/raxman Shakuur and the likes of Apophis who never seen a bullet in their  life.

Yesterday in Jigjiga , former BBC reporter Catoosh,  who is the twin brother of Apophis,  hit an elderly man in the head during a heated debate about the maritime issue with Kenya. Go figure.

Waar malaha waa kuwa Soomaalida Kabaandhaha weydiiya ee jeelasha ku gura.

Lol now are we quoting youtubers Kkkkk. That Youtuber you mentioned was hardline Farmajo critic and changed 360 degree overnight couple of months ago kkkkk.

And why must you insert Siyaad Barre and qabiil in a topic about Somalia dispute with Kenya over maritime? 
 

About Catoosh affair were you a witness and sure that is what went on? Do you have all the facts of this case? Did you hear all sides concerned or one side is OK with you? What is the ruling of judging one sided argument in Islam?
 

I am flabbergasted a narrow minded youngster here called Maakhiri was touting you as possible future president kkkkk. No wonder you and him support Farmajo kkkkk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

While we are on this, I would like to thank the Soomaalitalk website. That website alone incessantly covered this issue and kept in public discussion back in 2009-2013.

Following is one that website reported in late 2009:

Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay

XRW/00506/08/09  August 19, 2009

Mudane Ban Ki Moon
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay
New York, USA

Mudane,

Ayadoo la tixraacayo xiriirkaagii ku taariikhaysnaa May 11, 2009 (La socodsiintii ku astaysnaayd CLCS.35.2009 LOS ee Qalfoofka Qaaradda) ee ku saabsanayd akhbaartii ay Kenya u gudbisay Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda (ee Qarammada Midoobay QM), iyo ayadoo la waafaqayo xeerka Lifaaqa ee Annex I, farqaddiisa 5(a) ee Xeerarka iyo Qaanuunka Guddiga (QM), waxaa sharaf ii ah, anigoo ku hadlaya Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, in aan soo gudbiyo aragtiyadan:

Xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya waa mid aan la xallin. Waxay u muuqataa in Kenya ay sheegatay aag ka bilaabanaya loolka barta uu xadku kala kulmo badda, halkii ay ahaan lahayn (in la raaco) sida uu dhigayo xeerka baddaha adduunka oo markaas la jeexo xarriiq isku in u jirta (xadka labadda dal) si loo sameeyo cabbirka qalfoofka qaaradda ee u dhaxaeeya labadda dal ee deriska ka ah xagga badda. Soomaaliya waxay ku salaysay aragtida dambe (in la jeexo xarriiq isku in u jirta iyo xadka labadda dal si toosa looga dhaqaaqayo).

Arrintan xadaynta ee aan la xallin waa in loo tixgeliyo in ay tahay “muran baddeed” ayadoo laga tilmaan qaadanayo xeerka Annex I, farqaddiisa 5(a) ee Xeerka Nidaamka Guddiga (Xadaynta Badaha ee QM). Kenya iyo Soomaaliya waxay sheegteen aag (dhul-badeed) is-dul-saaran, aaggaas oo ujeeddo taas la mid ah ku noqonaya “aagga lagu muransan yahay.” Sidaas daraadeed, ficil kasta oo ay qaadaan Guddiga (QM), ayadoo la raacayo UNCLOS, xeerka Annex II, qodobkiisa Article 9, waa in uusan caqabad ku ahaan arrimaha la xiriira xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.

April 7, 2009 ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya iyo Wasiirka Qoshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo labadaba ay dawladahoodu u xil saareen, waxay Nairobi ku saxiixeen “Heshiis Is-Afgarad (Memorandum of Understanding MOU) oo dhex maray Jamhuuriyadda Kenya iyo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, is-afgaradkaas oo dal kasta u ogolaanayey in uusan diidmo ka keeni karin (NO-OBJECTION) akhbaarta ku saabsan Qalfoofka Qaaradda in ka durugsan 200 oo mayl badeed ee ay u gudbisanayaan Guddiga Qarammada Midoobay ee Xadaynta Qalfoofka Qaaradda”. Nuqul ama koobi ka mid ah Isfahamkaas ay saxiixeen labada Wasiir waxaa lagu lifaaqay akhbaartii hordhaca ahayd ee muujinaysa in ka durugsan 200 mayl badeed oo ah  qalfoofka qaaradda oo ay gudbisay Soomaaliya, ayadoo lagu salaynayo go’aankii  ka soo baxay Kulankii siddeed-iyo-tobnaad ee dalalka  xubnaha ka ah UNCLOS ee ku qoran dukumiintiga SPLOS/183.

Heshiiskaas Isfahamka (MOU) ee la xusay ee dhexmaray Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ku cad in waqtigii ku haboon uu dal kasta si goonidiisa ah uu akhbaarta (cabbirka baddiisa) ugu gudbisanayo Guddiga (QM), taas oo ay ku jiri karto aagga lagu muransan yahay, ayadoo aan wax tixgelin ah la siinayn xadayn baddeeda labada dal. Sida ku cad Heshiiska Isfahamka labada dal waxay hore ogolaansho ugu bixiyeen in Guddiga (xayanta ee QM) ay go’aan ka gaari karaan akhbaartaas ay gudbisteen ee aagga lagu muransan yahay. Waxaa taas dheer in ay shardi tahay in akhbaartaas loo gudbiyey Guddiga (QM) iyo kaddib soojeedinta ay ansixiyaan Guddigu waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay labada dal ka taagan yihiin marka laga hadlayo muran badeedka u dhexeeya ayaga, waa in aysan caqabad ku ahaan xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha baddaha ee aagga lagu muransan yahay, oo ay ku jiraan xadaynta qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 oo mayl baddeed.

Sida ku cad Heshiiskii Isfahamka (MOU) xuduudaha badda ee aagga lagu muransan yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda in ka durugsan 200 mayl baddeed, waxaa ka heshiin doona labada dal ee xeebta leh, ayadoo lagu salaynayo Sharciga Caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan baaritaankooda ay si kala gooni ah ugu eegayaan akhbaarta ay gudbiyeen labada dal ee xeebta leh, isla markaasna Guddiga (QM) uu labada dal u soo jeediyo talooyinkiisa ku aadan sidii ay qaabkii ay (dalalkaasi) u samayn lahaayeen xadaynta ku saabsan qalfoofka qaaradda (badda) wixii ka durugsan 200 mayl badeed.

Ayadoo fahamsan arrimaha sare ayay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay marlabaad ku celinaysaa ogolaanshaheedii in Guddiga (QM) ay Kenya u qiimeeyaan (examination) akhbaartii ay u gudbisatay ee la xiriirta aagga lagu muransan yahay ee u dhaxaysa labada dal,  ayadoo la raacayo xeerka 5(a) ee Nidaamka Xeerka Guddiga (QM). Ficilka ay qaataan Guddigu ee la xiriirta akhbaartii ay gudbisay Kenya waa in aysan caqabad ku ahaan akhbaarta ay mustqabalka gudbisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayadoo la raacayo xeerka Annex II, qodobkiisa Article 4 ee UNCLOS, oo khaas ku ah qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed oo ay la socdaan xog farsamo iyo saynis oo arrintaas gacan siinaysa, oo uu ku jiri karo aagga lagu mursan yahay, iyo tixgelinta uu Guddiga (QM) siin doono mustaqbalka akhbaartaas ay gudbin doonto Soomaaliya.

Waxaa sharaf ii ah  in aan ku weydiisto in warqaddan loo gudbiyo Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda, isla markaana in la daabaco, oo weliba lagu daabaco website-ka Guddiga (xadaynta badaha ee QM).

Fadlan iga aqbal, mudane, tixgelintii ugu saraysay.

(for) loo saxiixay

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Ra’iisul Wasaaraha

http://somalitalk.com/2009/may/13/saxiix_omar.jpg

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Quote

THE HAGUE, 17 March 2021. Public hearings in the case concerning Maritime Delimitation in the Indian Ocean (Somalia v. Kenya) will conclude tomorrow, at the Peace Palace in The Hague, the seat of the Court, after which the Court will begin its deliberation.

Oral arguments were presented by the Federal Republic of Somalia on Monday 15 and Tuesday 16 March 2021. In light of the fact that, by a letter dated 17 March 2021, the Republic of Kenya confirmed its decision not to participate in the oral proceedings, Somalia will present its final submissions on Thursday 18 March 2021 at 3 p.m.

https://www.icj-cij.org/public/files/case-related/161/161-20210317-PRE-01-00-EN.pdf

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Why would this fool C/shakuur even enter in agreement with foreign government while the Somali foreign minister whose duty includes these issues was not present. 

This was pure corruption and greed.

Weli dhahar ma noolyahay. Waar aragaaga naga qari oo dhuumo.

Muxuu yidhi Gaariye: Tuug dhuuntaanu arki jirnee mid toosh wataa yimi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
14 hours ago, Mastermind said:

Lol now are we quoting youtubers Kkkkk. That Youtuber you mentioned was hardline Farmajo critic and changed 360 degree overnight couple of months ago kkkkk.

Mastermind,

Horta nin magac culus wataa tahay. Reer Barina waa tahay baan u malayn reer bariguna dagaalka 12 nuuc ayey u yaqaanaan.

I am not a Facebook guy really, but someone sent me one of his clips a few weeks ago. It doesn't matter if he was opposition or supporter. I like the way he he speaks the Somali language without mixing any foreign language .

Waxa uu yidhi ninbaa asagoo salaadii tukanya neef waraabe ka cunay, maalintii dambe ayaa haddana neef kale salaadi casar asaoo ku jira neef kale waraabe ka cunay, markaasuu walaalkii yidhi, " waar walaalow salaada geela ka daa", hadaadse tukanayso tasbiixda farabadan geela ka daa" Waar Ina C/shakuuroow Siyaasada qabyaalada ka daa. 

 if you are young and want to learn some Somali sayings and vocabulary I suggest to tune in this young man Kabtan Ayuub.

 

furthermore, I really respect the real opposition who oppose Farmaajo. Tilamook is one of them. They genuinely believe they could do better job than Farmaajo does.  They also disregard the unlimited propaganda Farmaajo is getting from every corner.

You are also a car carrying opposition who want to unseat Farmaajo.

Ninka mucaaradka ahi waa nin kursigaaga raba, sidoo kale rumaysan in uu kaa mudan yahay una  arka Farmaajonin  wax maldahaysa  aanadse waxba hayn. I respect that.

What I object is people who keep comparing him to Siyaad Barre and keep raising what took place 35 years ago. Also I object those who want be in charge just because Muqdisho Unaka leh

By the way,  Maakhiri has been here for a long time and he is not a young man as you assumed.

We welcome the loyal opposition who want to keep the government honest and keep their feet on fire, not the Kenyan stooges.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.