Sign in to follow this  
Khayr

Urinal Stall Talk?

Recommended Posts

Haneefah   

^Lol@you two.

 

Originally posted by Castro:

Markaa dagaalka hoolman inuu MMA ku naf seego weeyan xaalkaagu.
:D
Mida kale, yaa dagaalka qaadayood ka baqanaysa?

 

I'm extremely curious now.
:(

Atheer, it was just a joke on my part, don't read too much into it smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Abraar, abaayadiis, "kh" sabab ayaa loogu badalay "q" ereyada badankood. Ereyga "kh" intuu soo gaarin af Soomaaliga maku jirin, suu hada yahay af Maayga oo erey "kh" ma qabo. Marka badankood ereyada "kh" lasoo deensaday waa wada Carabi, sida "kheyraad, khibrad, khudbo, khubaro, khayaano, khilaaf, mukhadas, mukhaaradaad..." iyo baando badan.

 

Markii af Soomaali ahaan loo qoraayo "qeyraad, qibrad, qudbo, qubaro, qayaano, qilaaf, muqadas, muqaadaraad..." waaye hada.

 

Sababta ugu wacan waxee tahay markee bateen wareerka kala saarka erayada "kh" iyo "q" markii la qoraayo, ayee waxaa la isku raacay, waa dadka afyaqaanada iyo afsoorada, in ereyada "q" lagu qoro badankood, "kh-na" loo daayo magacyada kaliya oo Carabi kasoo jeedo, sida "khaalid, mukhtaar, khaliif," ama wixii title ah, sida "sheekh" camal.

 

Wali dad badan ayaa ku wareersan kala saarida.

 

And meesha uu kasoo jeedo ereyga "qaldaan," inaa siriq ii dhigtaa rabtaa, waa kuu jeedaa. Habeenkii xaleey tagay, mahaan seeflaboodka diyaar eh inay igu dhacdo, Eebbe hakuu sahlo, walax kale noo keen. ;)

________________

 

C/latiif, ereya "afsoor" aniga lee iska aliftay. [Waxaa tixraacay ereyga 'soor' oo laga wado kala bixi ama cadeeye, sida garsoor, diinsoor, gelinsoor.] Kan kalena, "afyaqaan," dad yar ayaaba maqlay waligooda.

 

Cashara labaad maanta waxaa waaye, ereyada Soomaali laga heli karo laakiin Soomaalideen unnecessarily borrow foreign words and substitute them in place; the words such as:

 

  • Danjire [safiir]
  • Xildhibaan [dubataati]. Xildhibaan came back fiercely after shirkii Carta. No more 'dubataati.'
  • Wargeys [joornaal, jariirad]
  • Magaalo madax [caasimad]
  • Duqa magaalada [maayar]
  • Garoonka diyaaradaha [maadar]
  • Dakada [furto]
  • Garoonka ciyaaraha [istaadiyum]
  • Warbaahin [miidhiya]. A relative new word in Soomaali, gaining ground.
  • Fiid [maqrib]
  • Fadhiga [salooto]
  • Jiko [kushiin]
  • Aroor/hiraab/waaberi [subax]
  • Ujeedo [macne]
  • Alaab [maacuun]
  • Goor/xili [waqti]
  • Jid, wado [dariiq]
  • Fool [waji, the most commonly substituted of them all]
Which words do you use on above? I can bet the majority are those in the brackets, aha?

 

I am sure most of these "kh" Carabi words, we at one time had their equivalents, and we lost them. The above list might be next, who knows. So practice them. Instead of saying, "waqti," use goor ama xili. Instead of "salooto," use fadhi. Instead of "kushiin," use jiko. [And if you are wondering where kushiin came from, it is a butchered word of "cuisine" of af Ingiriis, which itself derived from Latin, particularly the Talyaani one "cucina" or the French one.]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^ It's the aroma in the "bog" dear. It makes the neurons get into fight-or-flee mode.

 

MMA said,

 

Cashara labaad maanta waxaa waaye, ereyada Soomaali laga heli karo laakiin....

Atheer af soomaligaagu is suspect, to say the least. I don't know who hired you here to be the instructor but in the words of Donald Trump, you're fired. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Correct me if I’m wrong, religiously speaking, aren’t we not supposed to talk in washrooms.

 

The thread is reaching 6 pages, for me to respond or see where the argument is going – I apologize for my one liner.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

MMA: Saa iga dheh inaabti, I knew I would learn something from you. Laakin, pls open another 'af-somali' thread will ya, I don't particularly enjoy participating any further in a 'urinal stalk' thread. redface.gif

 

 

And meesha uu kasoo jeedo ereyga "qaldaan," inaa siriq ii dhigtaa rabtaa, waa kuu jeedaa. Habeenkii xaleey tagay, mahaan seeflaboodka diyaar eh inay igu dhacdo, Eebbe hakuu sahlo, walax kale noo keen.
;)

Bummer! That 'maskiin' title baa ii beensheegey mala..waad iga reeysey walee :D

 

Ducaqabe: you're close smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

MMA: C/latiif, ereya "afsoor" aniga lee iska aliftay. [Waxaa tixraacay ereyga 'soor' oo laga wado kala bixi ama cadeeye, sida garsoor, diinsoor, gelinsoor.] Kan kalena, "afyaqaan," dad yar ayaaba maqlay waligooda.

Miskiin Macruuf, waxaan u haystay in erayga 'soor' tilmaamiyo wax kale. Soore marka laga abbaaro micnaha uu yeesho hadii la eego erayga ah 'marti-soore', waxaa caddaaneysa in 'soor-ta' laga hadlayo tahay cuntada ay Soomaalidu hiddo ahaan cunto. Martisoor markaa waxa weeye qofka martida waraabsha, sooryeeyana, oo hadana ka war-dhura amba maaweeliya -inta ay reerka hoyga u yihiin. Taasi waxaad ka dhadhansan kareysa misaashan heeseed: Halka ni'Marti weeye ii 'soor' waa magan e' ii dhowr'(Saado Cali?).

 

Garsoore waxa uu u dhigmaa erayga af-ingriisiga ah ee 'Judge'. Sababta 'soor' iyo 'gar' laysku raacsiiyo waxa weeye in 'gar' ay tahay 'sharci' ama caddaalad ('justice'), oo qofkii garsoore ahina yahay qof isagu yaqaan 'xeerka' caddaaladda iyo sida eex la'aanta leh ee uu dadka ugu kala qaybsho. Qaybin iyo soorid micne eray ayaad mooddaa in ay wadaagaan. Aniga hadii la ii weydiin lahaa erayga ku habboon halka aad 'soor' ka isticmaashay, waxaan farta ku godi lahaa erayga ah 'sooc'.

 

Si uu qofi afsoor u noqdo, marka hore waa in la helaa dad 'af' isku haysta, kadibna nimba 'af' intuu ka sheeganayo loo takooro :D . MMA aniga waxa iga tala ah in erayga qurxoon eed aad noo aliftay aan u adeegsanno wax kale; sida: litterateur - "One who is devoted to the study or writing of literature." Illeen af-Soomaaliga ayaa u baahan dad qoriddiisa iyo halhayntiisa isku taxalujisa e'. smile.gif

 

Whadya think?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this