Sign in to follow this  
Hawdgirl

Rumayso ama Ha Rumaysan: Arrin Layaab leh oo Kudhacday Qoys Deggan Waddanka Australia

Recommended Posts

Hawdgirl   

A sad story indeed!

 

 

Rumayso ama Ha Rumaysan: Arrin Layaab leh oo Kudhacday Qoys Deggan Waddanka Australia.

WQ. Mohamed Wali (XIISH).

Email: xiish3@hotmail.com

--------------------------------------------------------------------------------

 

Dhacdadan ayaa ku dhacday qooys soomaaliyeed oo kunool wadanka Australia.

 

Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay arrin layaab leh oo aan suurta gali karin, kabacdi waxaan raadiyay sida ay wax uga jiraan arintan anoo rabo in aan kasal gaadho in ay run tahay iyo inkale. Haddaba akhristayaasha sharafta lahoow aniga oo baadhitaankeeyga ku soo guuleeystay in ay arintu jirto ayaa waxa ay dalbadeen qooyska ay arintu ku dhacday in arintooda lasheego laakiin aan marnaba warbaahinta loo gudbin magaca qooyska ayaga oo kadalbaday warbaahinta in magaca qooyska labaahin.

 

 

Aniga oo tix galin siinayo codsiga qooyskaas ayaa waxa aan jecelahay in aan idin la wadaago say wax u dhaceen iyo sida ay qisadu tahay, waatan ayada oo ay hooyada qooykaas ka sheekaynayso ayada oo tilmaamaysa say wax u dheceen waxay tiri:

 

"Mudo laga joogo Afar sano ayaa waxa aan aaday in aan soo guto xajka aniga oo watay gabadh yar oo aan dhalay ee markaas ahayd sagaal jir. Gudashada xajka ma aha mid sahlan aniga oo dareesan in ay adagtahay in aan guto hoowlaha xajka kabacdi markii aan tagay cariga barkaysan ee boqorteeyada sucuudiga ayaa waxa aan go aan saday in aan gabadha uga tago qooys soomaaliyeed oo aan dhaho ii sii haya inta aan xajka soo gudanayo, laakiin kabacdi waxaan go'aan saday in aan gabadheeyda ila xajiso oo aan gacanta qabsado.

 

Hooyadaas ayada oo hadalkeedii sii wadato waxa ay tiri: "Kabacdi markaan gudo galnay hoowlihii xajka ayaa waxa iga dhuntay gabadheeydii oo aan waayay, xajka waa meel ay aad u sahlantahay in laka dhumo, maxaa yeelay malaayiin ruux ayaa isugu imaanayso qofwalbana waxa uu rabaa in uu guto waajibkaas.

 

"Iska dhaaf in aan hoowlihii xajka si watee labo indho isuma keenin, meelwalba ayaan maray si aan uhelo gabadhii ayada oo ay ila tacaaleen qooysas badan oo soomaali ah iyo hoowl wadeenada xajka ama shaqaalaha xajka oo adeegsaday waxwalba si ay usoo helaan gabadheeydii.

 

"Walwalkii ayaa igu siibatay waxa aad dareemi kartaa qofkii tagaa garanayee in meeshaas ruuxii dhumaa ay adagtahay in si sahlan lagu helo qofweeyn ayaa dhumayee maxaad u malayn ilma yar oo sagaal jir ah." Ilaahay ayaan baryay in gabadhaydii isu kaan soo celiyo aniga iyo ayada ayay tiri hooyada. " kabacdi shaqaalihii xujayda ama sucuudiga ayaa iyidhi" Xaajiyo is ka dhamaystiro xajkaada anagaa raadinayno gabadha ayaga oo iga qaatay gabadha sawirkeedii iyo warbixinteeda.

 

Hooyada waxa ay tiri "kabacdi markii aan dhamaystay xajkii waxaan laxariiray doowlada sucuudiga ama kuwii kashaqeeynayay xajka bal si aan uhelo wax warbixin ah intii dadaalkooda ah way bixiyeen runtii wax aan kudagaalo majirin maxaa yeelay sadex milyan oo qof kasoo dhaxsaar ilma yar way ku adkaatay intii tabartooda ahna waa dadaaleen . " waxay igeeyeen xarum loogu tala galay dadka dhumay dadkii markaas lagu hayay xarumahaas kuma jirin gabdheeyda. " waxay igu yiraahdeen xaajiyo laxariir safaaradaada anagana hadaan helno warbixin ku saabsan gabadhaada waan kula soo xariiraynaa. " Ilin iyo tiiraanyo iyo hurdo la aan ayaa isugu kaydarsantay, gabadheeydii oo maqan iyo sida ay xaaladu tahay. " waxaan sii joogay sacuudiga mudo sedex bilood ah si aan uhelo bal wax war ah oo kusaabsan gabadheeydii, haba sheegin ayay tiri hooyadaas.

 

"Ilaahay ayaan iska tala saartay waxaan go'aan saday in aan kunoqdo carigii aan ka imid oo ahaa wadanka Australia. Muddo gaaban kabacdi ayaa waxa ila soo xariiray wasaaradda arrimaha dibadda ee wadankan Australia, ayaga oo ii sheegay in ay dadaal kubixinayaan sidii loo heli lahaa gabadhaas ayaga iyo doowlada sacuudigu iska kaashanayaan. "waxayna isiiyeen nambar aan marwalba la xariiro si aan uwaydiiyo bal xaal meesha uu marayo dhinaca kale waxa aan go aan saday in aan marwalba xajiyo si aan utago cariga sacuudiga oo qalbigayga usabarsiiyo laakiin wax war ah hasheegin. Muddo sadex sano ah markay kasoo wareegtay ayaa sankii dhaweeyto ayaan tagay xajkii aniga oo wareegayo oo in dhaheeyga ilmihii yar ee ay qabtaanba fiirinayo ayaa waxaan arkay ilmo dhoowr ah oo taagan meel ay xujaydu marayaan ilamahaas oo tuugsanayo oo kaalmo waydiisanayo kadalbanayo xujayda.

 

"Ishayda ayaa ku dhacday gabadh kamid ah dadkaas tuugsanayo alaa waa gabadhaydii ayaan af iyo labadii qabsaday, mase gabadhii labada gacmood ayay go antahay, hooyo miyaad ahayn heblo, hooyo miyaad ahayn gabadheeydii , ilmo iyo qaylo iyo oohin ayaan isku daray,dhinaca kale wali aniga oo shaki igu jiro maxaa yeelay gabdha waa isbadashay oo waan garan waayay ayaa waxaa idul istaagay nin madoow oo igu yidhi " Maxaad rabtaa? ii siidaa gabadha anaa dhalee? ayuu yidhi. "War bax ayaan idhi waa gabadheeydii", aniga oo dharbaaxo adeegsaday ayaa dhacdadii waxaa nagu so xoodaanasaday dadkii meesha marayay. Booliis ayaa yimid meeshii waanala waday dhamaantaan aniga iyo ninkii iyo gabadhii.

 

Xarun boolisku leeyahay ayaa nala geeyay oohin iyo in aan kubaroorto gabadhii ayaan bilaabay. mucjiso layaab leh ayaa kadanbeeysay arintaas oo ay hooyadu sheegtay. ayada oo tiri "Dowlada Sacuudigu waxay laxariireen meelo dhawr ah ayaga oo soo ogaaday magaca gabadha ay wadato in uu yahay magac gabadh dhuntay mudo oo hooyadeed ay dagan tahay wadanka Australia, ninka madoow wuxuu sheeganayaa oo uu leeyahay anaa dhalay gabadha ee madhalin naagtan, hooyada waxay sheegtay in ninkaas uu u dhashay wadanka Suudaan.

 

Gabadhii ayaa lawareeysatay ayada oo ayna hooyadeed lajoogin ayada oo tilmaantay in ay kala dhumeen ayada iyo hooyadeed ayna wayday hooyadeed ayada oo oynaysey meel cidla ah in uu ninkan gacanta ku dhigay oo uu yidhi anaa ku dhalay, gacmahana uu kajaray oo uu yidhi noo tuugso si aan wax kuugu helo. Allaahu Akbar, yaab badanaa.

 

Gabadhii waa laqaaday waxaa lagu sameeyay ama laga qaaday DNA, si loo hubsado in hooyadu ay dhashay gabadha, DNA aydii waxay cadaysay in ay hooyadu dhashay gabadha. Hooyada waxay sheegtay in aan aado cir iyo dhul aan kala garan waayay markaan arka gabadha iyo sida ay tahay iyo sida xaal noqday. "Ninkii Suudaaniga ahaa waxaa ay ii sheegeen in ladili doono oo lakhaarijin doono maxaa yeelay waxay idhaheen wuxuu kugeetsay dhulka barkaysan ee ilaahay danbi aad uwayn, waxayna ii sheegeen in saacadaha soo socdo loogudbin doono meeshii lagu khaarijin lahaa. afartan daqiiqo kabacdi anoo joogo meeshii waxaa yimid baabuur madoow, ninkii ayaa lasaaray waana tagay. Abaalkisu wuxuu noqday in latoogto waana abaal uu mutuustay, ayay tiri hooyadaas.

 

"Kabacdi waxaan helay gabadheeydii oo gamaha go'an, aniga oo tiiraanyeeysan ayay i yidhaahdeen shaqaalihii gacanta kuhayay geeyska gabadha 'Xaajiyo kaalay' waan raacay taleefan ayay ii dhiibeen waxaa taleefanka ku jiro nin cadaan ah oo yidhi waxaan joogaa safaarada Australia ee magaalada Riyad, asaga oo iyidhi waxaa nala soo gaarsiiyay in gabadhii lahelay aadna waan ugu faraxsanahay in aad gabadhaadii heshay. Hooyadaas waxay tilmaantay "In safaarada ay had iyo jeer laxirii jireen doowlada sacuudiga oo ay wareesan jireen gabadha xaaladeeda laakiin sacuudigu uuna dan kagali jirin markii lasoo waco unbuu ordi jiray. marabo in aan kudanbaabo qof muslim ah laakiin intii ay gabadha iga maqnayd aad ayay iila soo xariiri jireen doowlada Australia.

 

Baabuur ayaa la-iga soo saaray aniga oo la ii soo talaabiyay aniga iyo gabdhaydii iyo laba shaqaale oo sacudiyaan ah. magaalada mako ayaa nala keenay, kabacdina waxaa naloo sii tilbaabiyay magaalada Riyad. waxaan kula kulmay nin kasocday safaaradda oo isoo dhaweeyay oo yidhi "waxaan gabadha ku sameeynaynaa baadhitaan, waxaana sida ugu dhakhso badan ugu diraynaa wadankeedii (Australia), ayuu yidhi ninkaas.

 

Laba maalmood kabacdi ayaa anigii iyo gabadhaydii kasoo dhoofnay magaalada Riyad. Markaan nimid Australia waxaa garoonka iigu timid naag tir "Waxaan kasocdaa wasaaradda ilaalinta xuquuqda ilmaha, waraysi ayay iga qaaday ayada oo tiri anaga ayaa kula soo xariirayno. Murugo ayay igu noqotay in xaal uu saas noqdo laakiin bay tiri hooyadaas " hadaad tahay qof muslim ah aduunyadan waa lagugu imtixaami". hooyada waxay sheegtay in gabadha hada loo hagaajinayo sidii gacmaha loogu badali lahaa oo ay xaalkeedu meelwanaagsan marayo.

 

Arintan ku dhacday qooyskaas soomaalida ah ayaa waxa ay sheegeen tiro kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee dagan magaalada ay hooyadaas dagantahay in ayna maqal ayada oo ay go aan sadeen reerka qooyskaas in ay iska aamusaan maadaama ilaahay usoo helay gabadhoodii caafimaadna qabto.

 

Dhacdo layaab leh ayay kunoqotay qofwalba oo maqla arintan. Waxay tilmaameen dad kudhow qooyskaas, in hooyada ay tahay hooyo sabir iyo iimaan badan. Ilaahay ayaa ka abaal marin doono sabirkaas iyo iimaankaas. Allahu Akbar. Mucjiso.

 

WQ. Mohamed Wali (XIISH).

Email: xiish3@hotmail.com

Australia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Subxanllah! I have heard of several stories as this one.

 

Have you heard of the Yemeni professor who dissected his female pupils and sold their body parts? he was caught at the airport carring a case containing a human heart and that's when he divulged the story. His victims included one Somali girl.

 

In Bosaaso as well as in hargeysa it is a common trend to snatch kids and sell them to foreign agencies.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abyan   

Wallee in eey tahay arin layaab leh. Dadkii iimaanka ayaa ka tegay.

 

I heard they take out the eyes of streetkids in ethiopia and make them beg.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Basically a Somali mother took her 9 year old daughter to Hajj with her, during the course of the Hajj she lost her.

After a period of desperate searching and seeking help, she want back to Australia on her own- awaiting news from the Australian and Saudi ministeries.

Three years later she returned to Hajj, once there she happened to walk past a group of mutilated street beggars(common sight, they're also invariably black), and lo and behold one of them was actually her daughter- missing both her hands.

 

The mother started crying and screaming and was confronted by the 'father' of the children, the police promptly took them all to the police office. The girl was questioned, she told them she had lost her mother 3 years ago during Hajj, a DNA test confirmed this was her mother.

The Sudanese 'father' (i think pimp is a more suitable word) was duly executed,the mother returned with her maimed child to Australia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
winnie   

they executed the guy? saudi arabia is a joke!!! the government and the laws are supposed to protect people, not make it easier for people to do such vile acts. foreigners are treated like garbage there, with no rights, women even worse. where could this child have even gone to get help? NOWHERE!!! thats the real atrocity. with all its development as a nation, they have nothing set up for aid and social work. she has her hands chopped, why and how? are you sure its the sudanese guy and not that joke of a country's ridiculous application of shariah?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this