Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Yaxyax su'aalo

Recommended Posts

Zafir   

Naag gacanteeda aroostay??? :eek: :eek:

 

Folks, I have some questions that need answering, where can I find this sheikh?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

Hmmmmmmmm ,, good and informative questions indeed ,,,,,,, cilmigu xishood ma leh ,,, i can see many of us benefited from this post ,,,

Maxaa ka faa'iday oo garasho leh about su'aalahaan? Manoo sheegi kartaa hee.

 

Kuwaana kasii faa'ideyso marka. :D

---------------

 

Su'aal
: Salaama. Waxaan ahay nin Soomaaliyeed oo xaasle ah, waxay dhibaato ka taagan tahay haweeneydeydii oo kasoo taagan u tegiddii (sexual intercourse). Macnaha iima baahna in aan u galmoodo, markastana waxay leedahay caawa idaa ama iyadoon raaali ka ahayn ayaan qasbaa.

 

Marka haddii aan sidaa ku jiro waxaan isaga baqayaa in aan naago kale doonto inigoo Muslim ah. Wax ku cusub ma'aha ilaa maalintaan guursaday sidaas ayey ahayd. Marka ma jiraan wax daawo oo dareenkeeda kicinaya. Fadlan su'aasha waa iga daacad walaahi. [ Age: 34]

 

Jawaab
: Dhibaadada ku haysa waa mid rasmi ah oo aanan adiga kugu ekeen. Xalka waxuu ka imaanayaa iyada oo la fahmo sababta. Aan tusaale ku siiyo. Haddii aan maanta kuu sheego in nin aanu saaxiibo ahaan jirnay uu iga goostay, oo uusan dooneen in uu ila hadlo. Haddii aan damacsanahay in aan arrinta wax ka qabto, ma waxaan raadin daawo maskaxdiisa badasha, misa waxaan raadin sababta keentay in uusan ila hadlin.

 

Waxaan kugula talin lahaa in aad adiga iyo xaaskaagaba raadisaan cid idinka caawin karta dhibaatada. Waxayna u baahan tahay wadahadal rasmi ah oo idin dhex mara adiga iyo xaaskaaga. Wadamadaan markii arrintiina oo kale imaato, qoys ahaan waxaa dadku isku dayaa wax la yiraahdo "family counseling." Haddii ay idin suurobayso in aad la hadashaan qof Soomaali ah oo ah "counselor" waxaan aaminsanahay in ay taasi haboon tahay. Mahadsanid.

************

 

Su'aal
: Marlabaad ayaan eaxaan rabaa in aan ku waydiiyo suaasheydii ahayd maxaa lagu gartaa calaamadaha
menopauseka
? Please si fiican iigu soo sharax haddii aad awoodo. [Age: 45]

 

Jawaab
: Menopause symptoms (calaamadaheeda) waxaa ka mid ah: Hurdo xumi (insomnia); kuleel qeyra caadi ah (hot flashes and sweating); hilmaan badan (troubles with cognition); foojignaan la'aan (difficult concentrating); camal xumi (mood changes): cawrada oo dheecan yaraata (vaginal dryness). Mahadsanid.
[/i]

************

 

Su'aal
: Xaniinta bidixda ayaa xoogaa i bararsan. [Age: 27]

 

Jawaab
: Xaniinyo barar haddii ay ku dhacdo qof yar, inta badan waxaa keena sadex saboobood midkood:

1) Xaniinyaha oo biyo galaan (dheecaan), taasoo inta badan iska taga

2) Infection ku dhaca xididka shahwada ka soo qaada xaniinyaha

3) Cancer

 

Sida lagu kala saari garo sadexdaan arrimood waxay ku xiran tahay sida bararku yahay. Haddii baraku yahay mid aad moodo kiintaal biyo laga buuxiyey oo xanuun badan laheen. Waxay u badan tahay tan koowaad. Haddii qofku uu yahay qof "sexually active" ah oo cudurada sida jabtada horey ugu dhacday, hadana si deg deg ah u arkay barar yar oo la taaban karo oo hal xaniin ah, oo xanuun badan haddii la riixo, waxay u badan tahay in xaalku yahay infection (tan labaad). Haddii bararku yahay mid aan xanuun laheen oo aad moodo in dhagax oo kale yahay, waxaa qofka looga baqaa cancer (testicular cancer).

 

Sida kali ah oo lagu kala sooci karo sababta keentay bararka waa adiga oo dhakhtar arka. Saddexda arrimohood oo aan soo xusay waxaa ugu halis ah cancerka, kaas oo ah cudur nimanka yar yar (20-40 sano) ku dhaca. Waa cancerka ugu sahlan in la daaweeyo haddii si deg deg ah loo arko oo uusan fidhin. Marka waxaan ku talin lahaa in aad bararka tustid dhakhtar. Mahadsanid.

**********

 

Su'aal
: Dr Ibraahim, marka hore waad mahadsantahay sida wanaagsan ee aad su'aalaha dadka uga jawaabeyso. [Ditoore], waxaan rajeynayaa inaad su'aashan oo aan jeclaa inaan mudo badan dhaqtar afkeyga ku hadlaya inaan weydiiyo. [Dhaqtaroow], mudo saanad iyo bar laga joogo ayaan dumarka jirkooda ka ganacsada u galmooday anigoon wax difaac ah isticnaalin (condom), kadib waxa igu beermay shaki ah inaan AIDS qabo ma aanan weydiin dhaqtar sababtoo ah waxaan joogaa wadan Carbeed oo aadan arrimahaas ka hadli karin mida dhaqtar. Wax cudurkaas calaamadiisa ah iskuma arag, mudadaas ka dib miisaankeyga waxaa ku kordhay 7KG.

 

Su'aasheydu waxay tahay cudurkaas halmar malagu kala qaadi karaa? Calaamdahisana qofku mudo intee la'eg ayuu isku arki karaa? Mase laga dhici kartaa qof qaba cudurkaa in miisaankiisu siyaado? Ilaah dhamaanteen hay naga hayo, [dhaqtaroow]. Waad mahadsantahay.

 

Jawaab
: Sida aad la socoto cudurka AIDSka aad ayuu ugu badan yahay dunida oo dhan hadda. Inta badan, inkasta oo uusan sida Hepatitis B oo kale aanan si fudud loo kala qaadin, laakiin dhibaato waxay ka dhacday mar marka qaarkii hal mar oo kali ah oo aad la kulanto ayuu u baahan yahay. Mida kale, qof kasta calaamadihiisa horey kama soo saaro. Dadka qaarkiis ee cudurkan qaba waxay ku qaadataa 5-10 sano inta ay dareemayaan wax calaamado u ah cudurkan. Waxaan intaan ula jeedaa, haddii aadan laheen wax calaamada ah hadda, macnaheedu ma'aha in aadan cudurka qaadin. Waayihii hore ee uu cudurka cusbaa daawo fiicana eeyan jirin, dhakhaatiirtu kuma deg degi jirin in ay u sheegaan dadka in dhiig la iska qaado (baaris). Laakiin, wax yaabo badan ayaa cudurkan iska badelay.

 

Hadda, haddii mar hore la ogaado in cudurku jiro, waxaa la haayaa daawooyin fara badan oo wax ka qaban kara. Mida kale, haddii aad cudurkaan qabto laakiin aadan laheen calaamado, wali dad kale waad qaadsiin kartaa. marka, waxaan ku talin lahaa haddii aad isleedahay waxaad u degtay qof aadan si fiican u aqoon, aadana isticmaalin "protection" waxaa haboon in lagu baaro. Waxaa isbaari kartaa adiga oo aanan magacaaga qofna siin (anonymous testing).

 

Mida kale, haddii aad ogaato in aadan cudurkii laheen, niyada ayaa kuu degeysa oo walwalka waa kaa yaraanaa. Haddii nasiibdaro ay dhacdo in laguugu arko cudurka, sidii waayihii hore oo kale ma'aha oo hadda waxbaa laga qaban kara. Marka, inkastoo miisaankaagu saa'idayo, waxaan ku talin lahaa in aad isbaarto. Dhakhaatiirta badankood way fahmayaan arrimaha ku saabsan qarsoonida waxyaabaha qaaska u ah qofka caafimaadkiisa. haddii aad isbaarto oo nasiib wanaag cudurka lagugu arkin, macnaheedu ma'aha cudurkan ma qaadi kartid oo waxaad doonto ayaad sameen kartaa. Waa in aad u aragtaa in ilaahay mar ku badbaadiyey, marka labaad lama hubo sida ay noqon doonto. marka isilaali. Waad ku mahadsantahay su'aaasha fiican.

Su'aalo haddaa qabtid, weydii Dhaqtar Ibraahin. Ha shiixina, aqoontaadana caafimaadeed kororso. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baluug   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Aqri, baliis these partially edited versions.

I wish I could.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;827785 wrote:

 

More su'aalo, more yax yax.

Loooooolz Sheikha wuu xalaaleysanaa waxaan u bannaaneyn ka warran, Sheikh sheydaan iga dheh :P

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this