Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

St.Paul/Minneapolis: Ma Yibirbaa, Ma Minnesota!

Recommended Posts

St.Paul/Minneapolis: Ma Yibirbaa, Ma Minnesota!

- Tuesday, September 13, 2005 at 00:03

 

 

Bandhigga Buugga "The Yibir of Las Burgabo"

 

Nibaa waa yirri "Laba kastaba isa saaray, laakiinse weligay laba tagoogo isma saarin!"

 

 

YOLB_flyer.jpg

 

 

Sharaxaadeeda, hadaad garatay waxaad tahay rugcaddaa-mici-ku-gamaarle ah! Hadaadanse weli maqlin, dambi kuma lihid, waxaa oraahdan lagu budlindoonaa/ fasiri doonaa ardaaga SALI (Somali Arts and literature Institute).

 

Maalintu waa Sabti, Amintu waa casar liiq, Madashu waa Minnesota, Macmacaanka iyo Milikhsigu waa halalacda hore, Murtidu waa THE YIBIR OF LAS BURGABO, Maxamuud waa Qoreheeda, Mulaaxdu waa Af-soomaali, Mayraxduse waa Af-Ingriisi!

 

Ubooy Nagu Buqo! Hadaad wali amankaagsan tahay, oo aad layaaban tahay meesha ay iska soo galeen Yibir iyo Minnesta:

 

Goobta: Lofts Literary Center (Open Books),

1011 Washington Ave. Minneapolis, MN 55404

 

Goorta: Sabti, 17-ka Sebtember 2005, 5:30PM – 8:00PM

 

Gogosha: Waa SALI (Somali Arts and Literature Institute)

 

Buuga maalintan sharaxani waa The Yibir of Lasburgabo, waa buug qiiro, murugo iyo muunsaba isku darsaday; Waa qalinkii, Maxamuud Cali Geeldoon. Yibir garanaye, Las-bur-gabo waa maxay? LAS ma Las Vegas-baa mise waa Las Qoray? Bur, Ma Buur-hakabaa mise waa Burco? Gabo ma Gabooyaa mise waa Ceerigaabo?

 

 

Bal, halkan ka milicso iyadoo faahfaahsan.

 

Bandhigga Buugga "The Yibir of Las Burgabo"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Maalintu waa Sabti, Amintu waa casar liiq, Madashu waa Minnesota, Macmacaanka iyo Milikhsigu waa halalacda hore, Murtidu waa THE YIBIR OF LAS BURGABO, Maxamuud waa Qoreheeda, Mulaaxdu waa Af-soomaali, Mayraxduse waa Af-Ingriisi!

Saaxiib waxaad ku fiican tahay kuwa announcement-iga suubiya. Waxaad isoo xusuusisey Radio Moqdisho kuwii ka hadli jiray.

 

Thanks for the info bro. I'll try to make it Insha'alaah. Is admission open for everyone or does it require a sign up?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Sharaxaadeeda, hadaad garatay waxaad tahay rugcaddaa-mici-ku-gamaarle ah! Hadaadanse weli maqlin, dambi kuma lihid, waxaa oraahdan lagu budlindoonaa/ fasiri doonaa ardaaga SALI (Somali Arts and literature Institute).

 

Maalintu waa Sabti, Amintu waa casar liiq, Madashu waa Minnesota, Macmacaanka iyo Milikhsigu waa halalacda hore, Murtidu waa THE YIBIR OF LAS BURGABO, Maxamuud waa Qoreheeda, Mulaaxdu waa Af-soomaali, Mayraxduse waa Af-Ingriisi!

Af Soomaaliga saad u habaysey gacan baan u taagay. Lugna waan ku daray. Alla MN waan u xiisay. Ciiloo wayee yaa mar i geeya meel Soomaali aan ku weheshado oo cidlada yaa mar ka cid gala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi, ina fartaag.

Odayga Xiin waa inuu war nooga keenaa meeshaa Lasaburgabo.

 

Tuujiye, kaalay adiga maxaa moodee in adiga keliya Somaaliga taqaan. Fish and chips maa ii maleesay maraxyahow. No offense to the youngsters. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Libaax, ma maqashey oraahdii "Cidna uma jooga". Aaheeyo, hadda Xiin cidna uma joogo :D Ciyaal macno maleh buu wax yar dhaamaa :D

 

Waryee Tuujiye (bal maxuu tuujiyaa oo baas, armuu dhagax yahay :D ) Libaax wuu soo qishay ee waxaan issaga ma qorin...annaa ku iri, cid kale ha weydiin :D

 

Xiin, MN qabawgeeda wax loo xiiso ma aha inkastoo qabowgu afar biloodba uu yahay. Laakiin maaweelo, asxaab, banooni, qorsha aan dhamaan, meesha waa iska shidan tahay. Eesh Calaa Somalidii aan issaga dhex jiray oo aan diiqa ka ahaa yaan u xiisay saaxiib.

 

Bal hadda awoowe soo dhaga dhagee kolay cid uma joogtide :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@Ubooy Nagu Buqo!

 

Horta Libaax wallee xikmad miiran baad

tahay haddiiba aad ii dhehdaa qori kartid.

Awoowe mindhaa xilligaad wax alifi laheyd baa lagaaray :D . Igu halle aniga meeshaas. though I don't like the open book place (it is too small a space).

 

Baashiyow, awoowe maxaad isku yeel-yeelaysaa :D . Meeshaas oo kale sidee uga maqnaadaa? Sow maad ogeyn inaan cidda buuga laga qoray gabar ka rabey :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Hadaanan xaajiyada u sheegin wiilkaad taqaanayba ma ahi.

 

Car :mad: oo waliba car :mad: oo hadana car. Aaway xurmadii xididka ka dhaxeyn jirtay? Mise waxaad leedahay annigu waxba ma dhimin hadaan 2nd si xalaal ah ku doonay :D Waa dood adag laakiin maxaa iga galay caadifad adag baa hadda i haysa e.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warba maadaa hayya :D . Show waraaqahaygu kuma soo gaarin :D . Soo tii arrintaa rag u fariistay maaha. Sow tay xeerarka ad-adag u qoreen maaha :cool: . War ninyahow inaad cidla joodtid waa ogaa laakiin inaad saan u war la'dahay ma ogeyn. Wax badan baa alla sahlay, awoowe, intaad nagasoo maqneyd :D .

 

Xaajiyadu iyadaa gar-wadeen ka ah howlahaan. Qur'aankey aad u taqaanaa qoftu :D . Sow waxaan ku raacay maaha :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Waryee maad joogtid oo waad sabayneysaa e cagaha maad dhulka dhigtid. Mise waxaad doonaysaa inaad hadhaw tiraahdo talaa i dhaaftay berrigaan hawshaan faraha la galay.

 

Xiinoow raggu waa sheekaysanayaa e sidaadoo kale nin nasiib badnaa oo gabar hor joogsi iyo hab wanaag Ilaahay siiyay helay baa damcay inuu hawl uusan ka bixi kari galo. Meeshu waa Canada. Xaasku ilmo bay u haysay. Ilmuhu hawshooda iyo xanaanadooda dhib badan baa Somalidu markaa kala kulantay...war kuma seeganeyn.

 

Bal Ilaahay amarkii waxuu jantay mid kale. Xaaskuu kala tashaday. Gaashaankeey ku dhufatay ilee waa bini'aadam e. Ma yeelin. Idaajaa ilaa Al-Baqra yuu akhriyey. Axaadiith badan, asxaabihii, ilaa taabiciyiintii in hawshaanu jidhay oo aanay ugub ahayn buu xaaskii u daliishaday.

 

Gabadhii Alla ma qaadada ahayd waxay tiri war heedhe annigu diin kama hor iman ee qalbigayga siduu jecel yahay iyo sida reerka u roon yaan kuu sheegay hadaad i wediisay. Hadaadse fara baxsi tahay oo ay kaa go'an tahay inaad mid kale isku rarto hadde annigu reerka maanta qurbaha jooga dumin mayo ilmahana Aabo la'aan dhigi mayo oo father figure bay u baahan yihiin ee yeelkadaa sidaad doontid yeel.

 

Hadde awoowe Xiin armaa xaajiyadu abaabulku aanu dhab ka ahayn ee ay hawsheedu tahay Allay baday iyo is giiji oo samir caal waa hawsheedu u badan tahay. Bal naga hubi!

 

Ninkii issaga ahaa hawshii belaaya ka raacday. Hadde issaga oo madaxa hoos u rogan yahay buu aayar min weyntii ku soo hoyday. Cashar buu ka helay farabaxsigii. Hadda hadaad ninkaa cabaar la joogto waxaad maqlaysaa assagoo leh Caasha waxay tiri...maxabada uu u qabo isticajab baad u dhimanaysaa :D Tii yarayd ee laga celin waayay police bey ugu yeedhay..."get lost" by i tiri buu yiraahdaa :D

 

Mirro guntiga kuugu jira, kuwo geed saaran, looma daadiyo weeye warkeygu awoowe.

 

PS: Raali ahaw Libaax hawl kalaan galnay e.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallee waa talo. Haddise aan joogi waayo SOL baa loo heystaa, awoowe. Baashow soo annoo faajeer ah oon reerka dhan u dhaafin brother Nur cashar nooma aqrin :D . Markaasaan kutub Xaajiyad ula soo baxay dee. :D Haddese iyo dan, bal Caribou Coffee aan ku dayo. Meeshana adiga iyo Libaax-ba anaa war idinkaga keenay, Haddii Alle idmo; I still consider it as a book about my prospective in-laws :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

War Baashoow miyaan laguu waramin. Waayadaan dambe raggii xiniinyey muujiyeen. Sheikh baa laga sheegay ka bilaaba Alle meeshuu ka bilaabay. Waad garatay ayaan filayaa :D

 

Marka reerku labaduu ku barakoobaayee Xiin wixiisa wax Alle ha ugu daro. Adigana guuleysato sadexaad & mid afaraad Alle ha ku gaarsiiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this