Sign in to follow this  
Maaddeey

Macallin Maxamuud oo si kedis ah xalay ugu geeriyooday Xamar.

Recommended Posts

Maaddeey   

Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

 

Sheikh Maxamuud Macallin nuur oo loo yiqiin 'Macallin Maxamuud' wuxuu ahaa Daaci wayn, Xaafidul Quraan ah oo cabsida Ilaah wejigiisa ka muuqato, markii ugu horreysay waxay ahayd dhamaadkii sagaashanka isagoo Tafsiir ka akhrinaya Masjidkiisa ku yaal 'Waxarcadde'.

 

Waxaan xusuustaa, markii Siyad Barre waddanka laga saaray inuu dadka baraarujinaayey isagoy la ahayd in haddii keligi taliyihii waddanka laga saaray wax walba 'shax-shax' noqon doonaan, hase yeeshee -nasiib xumo- maalmo kadib, Moor'yaan baa guriga ugu soo gashay isagoo eeday iney Siyad Barre isku heyb yihiin, markii dambena maalin cad ka dhaqaaqay gurigiisii isagoon wax dembi ah lahayn, wuxuu madax ka noqday Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Gedo, dagaalkii Xabashidana qayb weyn ka qaatay.

 

Macallin Maxamuud wuxuu sanadihii ugu dambeeyey ku noolaa Mgaalada Kismaayo oo uu dacwo ka weday.

 

Bilo ka hor ayaan ku arkay Masjid ku yaalla Xamar, isagoo garku gaduutay, Anigoo aad u jecel inaan salamo oon wareeysto ayaanan yeelin heybad iyo xishood darteed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Ilaahay dambigiisa ha dhaafo ehelkiisana sabar iyo iimaan haka siiyo Insha Allah.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

274-300x225.jpg

 

Taariikhda Sheekha oo faah-faahsan wa kan Sheikh Mohamed Idiris oo ka sheekeynaya

MACALIN MAXAMUUD: AHLU QUR’AANKII AKHLAAQDA WANAAGSANAA!

By Somalimirror on 24 Jul, 2010 7:35 PM in Main, Wararka

 

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

 

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun..Waxaa hadda geeridiisu soo yeertay Walaalkay Sh. Macalin Maxamuud Macalin Nuur.. oo ku Magac dheeraa: Macalin Maxamuud. Wuxuuna ugu Magac dheeraaday inuu ka mid ahaa Macalimiintii Qur’aanka ee Saxwada Islaamka Barakaysan kuwoodii hormuudka ka ahaa, ilaa iyo yaraantiisiina dacwada iyo diinta fidinteeda, barasho iyo baridba ku soo jirey.

 

Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee, waxaan aqaaney muddo dheer oo aanu ku walaalowney dariiqa dacwada Islaamka ee wanaagsan. Waxaan isla soo joogney ayaama badan oo macaan iyo qaraaba leh, gaar ahaanna 20kii sano ee u dambaysey ee dalkeenna iyo dadkeenna ay soo food saartay xaaladda adage e murugada leh. Haddaan Macalinka waxyaabahaan ku bartay wax ka tilmaamo waxaan dhihi karaa:

 

AHLU QUR’AAN

 

Walaalkay Macallin Maxamuud wuxuu ahaa nin aan u Rajaynayo inuu ka mid ahaa dadka Xadiisku ku magacaabay (Ahlul Qur’aanka) waayo wuxuu ka mid ahaa dadka Kitaabka Ilaahay xafidsan oo korka ka haya, isla markaana isku daya inuu akhlaaqdiisa yeesho oo ku sifoobo, kuna camal falo. Wuxuu ahaa nin Kitaabka Ilaahay had iyo jeer carabka ku haya oo jecel. Ilaahay waxaan uga baryey inuu ka mid dhigo dadka la yiraahdo maalinta qiyaamo: Akhri oo darajooyinka kor u fuul.

 

SALAATU LEYL
:

 

Walaalkay Macallin Maxamuud iyadoo la neg yahay iyo iyadoo safar la yahayba isku meel waa seexannay. Meel qabow iyo meel kulul. Meel baqdini jirto iyo meel nabad gelya leh. Intaba waxaan ku bartay Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee inuu ahaa dadka (Ahlu Leylka) ah, ee Salaadda Qiyaamu Leylka jecel ee tukada. Marar badan ayaan arki jirey isagoo dadka ka hor toosay oo salaadda u taagan. Markii ugu dambaysey ee uu xajka yimaadana waa wada xajiney oo sidaas ayuu ahaa. Markii uu Masuulka ka ahaa gobolka Gedo sagaashameeyadiina sidiisa ayuu ahaa oo isma bedelin.

 

AKHLAAQ WANAAG!

 

Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa nin aad u akhlaaq wanaagsan, dabeecad qabow, dhaqan fiican, ixtiraam iyo qaddarin dadka kula macaamila. Wuxuu ahaa nin ilaahay degganaan iyo dulqaad ku mannaystay. Si kasta oo xaaladdu u kacsantahay, ama dadku u kululaadaan, ama dooddu u badato, Macalin Maxamuud waxaad arkeysaa, inuu dhoolla cadaynayo, deggan yahay, waxba maaha leeyahay, hadal qabow oo qanaaca leh mooyaane wax kale aadan ka maqli hayn. Ma garanayo cid la dhaqantay oo Macalin Maxamuud kelmad juruxa ka sheegatay. Wuxuu ahaa nin aan dadka hadal yar oo qallafsan ku oran Karin, kelmadaha aad u kala doorta oo midda ugu fiican isku daya inuu adeegsado. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu ka dhigo kuwa loogu bishaareeyey akhlaaqdooda wanaagsan darteed iney Nebigeenna Calayhi Salatu Wasalaam, ugu majlis dhow yihiin maalinta qiyaamo.

 

GEESINIMO
:

 

Walaalkeen Macallin Maxamuud isagoo sidaa aan sheegay nin deggan oo qabow oo macaan ah, haddana xaaladdu markey kululaato wuxuu ahaa nin Geesiya, oo aan mabaa di’diisa ku adag. Wuxuu ka mid ahaa raggii ku mintiday maamulkii Islaamiga ahaa, ee Gobolka Gedo Sagaashameeyadii, markii ay kusoo duushey Xabashidu. Wuxuu ahaa nin doodiisa ka caddaysta golayaasha laysugu yimaado.

 

CILMI IYO XIKMAD
:

 

Macallin Maxamuud wuxuu ahaa nin aqoon diineed oo wanaagsan leh, dacwada u dhabar adayga, ayaamihii u dambeeyey wuxuu ku negaa Magaalada Kismaayo oo uu dacwada ka wadey, isagoo ku sabraya Culays kasta oo jira. Booqashadan gaaban ee uu reerkiisa Muqdisha kusoo gaareyna wuxuu – uga sii gudbi lahaa – sida la ii sheegay Gobolka Gedo, oo uu rabey inuu u socdaalo maalinta Isniintaa ee soo socota markuu 2 beri reerka la joogo, halkaasoo uu jeclaa inuu Dacwo iyo Islaax kasii wado, Kutub ka akhriyo, cilmiga dadka gaarsiiyo, hase ahaatee, geerida ayaa kasoo hor martay oo ajashiisi ayaa halkaa ku ekaatay. Waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu noqdo kuwa adduunka ka raaxaystay. Sheekhu wuxuu ahaa nin cilmi iyo xikmad Ilaahay siiyey, oo dacwada xikmad ku wada siduu Ilaahay na faray. Waxaan xasuustaa ayaamihii uu Maamulka Gobolka Gedo Qayba ka mida Masuulka ka ahaa iney dhici jirtey arrimo dadku isaga hor yimaado oo dagaal keeni karta, laakiin macallinku xikmad iyo dulqaad ku kala furdaamin jirey.

 

ZUHDI & XISHOOD

 

Walaalkeen Macallin Maxamuud Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin Zuhdi badan oo aan adduunyada is raacsiin, kuna qamaamin oo aaney wax weyn la ahayn. Waxaan xusuustaa markuu maamulka ahaa, iyo markuu macallinka ahaa, iyo markuu khaliijka mudda kooban tegeyba inuu isku si ahaa. Wuxuu ahaa, nin adduunyada iyo dhalaalkeeda iska ururiya, oo xishood badan, dhawrsoon oo af gaaban. Hal mar ayuu ku fekerey dalka dibaddiisa inuu u boxo, markaasna wuxuu shaqa Imaam nima ah ka helay dalka Imaaraadka Carabta. Meel Tuula ah ayaa la geeyey inuu Imaam ka noqdo oo dadka Tujiyo. Macallinka oo ahaa, nin Daaciya oo weyn, oo Ummaddu ka faaiidaysaneyso, una baahantahay, uma cuntamin inuu Tuula yar oo carbeed Imaam ka noqdo oo mushaar ku qaato, Ummaddii uu zaciimka u ahaa ee u baahnaydna ka tago, sidaa darteed ayuu bila yar ka dib kasoo ruqsaystay oo dalka kusoo noqday, Meelnana mar kale ugama bixin, inuu dan yar u boxo, ama xaj iyo cumro u tago mooyaane. Wuxuu waagaas igu yiri: Markaan tuuladii Imaaraadka tegey, oo aan arkay meel aanan dad wax uga sheegayn, oo dacwa ka wadayn, oo dad kaygii iyo shacab kaygii aanan arkayn, waxaan isu arkay nin dembi galay ee meeshan lagu soo xabbisay cararkii uu dalka iyo dacwada kasoo cararay, markaas ayaan xasuustay buu yiri, aayadihii Nebi Yuunus Calayhi Salaam lagaga sheekeeyey: Inuu Fakaday, oo Doonta Fuulay, Dabadeedna Badda la dhigay oo Kalluunka calooshiisa lagu xabbisay…

 

Qalbigu waa murugoonayaa, ishuna waa ilmayneysaa, waxaan Ilaahay ka raalli ahaynna ma oran karno, Ilaahay Subxaanahu wa tacaalaa Walaalkeen Macallin Maxamuud ha u naxariistu, Jannaatul Firdowzna Allaha nagu kulmiyo, Eheladiisii & Asxaabtiisiina Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo. Ilaahayna waxaan ka barinay inaanu gadaashiisna na fitnayn, ajarkiisana naga qadin.

 

Adduunyadu waa qof ka nastay iyo midey ka nasatay sida xaddiisku sheegay. Ilaahay haka dhigo kuwa adduunyada iyo dhibkeeda ka nastay, dembigiisana Allaha dhaafo, durrayidiisiina allaha xifdiyo, kaalinta dacwada booskiisi kaga bannaanaatayna Ilaahay wax ka khayr badan ha innoogu bedelo, isaga Jannaatul Firdowz ha ugu abaal gudo Aamiin.

 

Muxamad Idris Axmed – London

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Ilaahay ha u naxariisto sheekha, gadaashiisna ilaahay na ma fitneeyo.

Macalin Maxamuud aqoontiisa iyo xikmadiisaba laga ma qadin, ilaahay ajarkiisa naga ma qadiyo.

Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this