Sign in to follow this  
Abdinasir Kadawo

Support our beloved national team

Recommended Posts

As you may know it or not know, Cecafa Challenge Cup will start in the next few days. Our beloved Somali National Team will indeed participate. With all the things that have been going on in our nation lately, it's good time to get behind our boys and their cause next few weeks. This is at least something that can unite us in this difficult time.

 

The boys (our heroes for the moment) have being now together and training hard at least last couple of months in Djibouti, their provisional camp. Even though most of them don't play professional or even semi-professional football, I believe they will make Somalia and Somalis all over the world proud. So please get behind them and show your support.

 

There is very good chance they may win it. So COME ON SOMALIA!, Ocean Stars!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsato Soomaaliyeed oo xalay xulka qaranka casho sharaf ugu sameeyay dalka Jabuuti.

 

By Shafici Mohyaddin on December 28,2008

Somalisc

 

Xalay ayaa waxaa magaalada Jabuuti ka dhacday munaasabad casho sharaf ah oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaa ku sugan ku sagootinayeen xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya oo u diyaar garoobaya ka qeyb galka tartanka CECAFA senior challenge cup oo ee dhawaan ka furmi doona dalka Uganda.

 

Munaasabada casho sharafta ah ee ka dhacday baarka weyn ee Nogoubixr restaurant ayaa ujeedada loo qabtay waxaa ay ahayd in lagu dhiiri geliyo xulka qaranka Soomaaliyeed oo hada uu ka muuqanayo diyaar garow aad u xoog badan.

 

Munaasabada casho sharafta ahayd ayaa dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed waxaa uga qeyb galay guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ku bohoobay Somali business and investment council Axmed Nuur Cali Jimcaale, guddoomiye ku xigeenka koobaad ee ganacsatada Cabdirashiid dubad, gudoomiey ku xigeen-ka labaad cabdulaahi warsame Nuur , xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaaliyeed Abdi Yusuf Maaheer, guddoomiyaha ganacsatada gobalka Banaadir maxamuud Cabdi Kariin gabeyre iyo xubno ay ka mid ahaayeen: Cabdi Cali Farax, Muse Ganjab oo ahaa marti sharaf ka socday Soomaaldia South Africa, Ciise Cibaar oo ah wakiil ka socday Shirkadda xawaalada Qaran Express, Cabdiraxmaan Cali Cusmaan (maleysiyo) oo wakiil ka ahaa ganacsatada Soomaaliyeed eo gobalka Minnesota iyo Cabdul Qaadir xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo xubin ka ah ururka ganacsatada Soomaaliyeed ee Somali business and investment council.

 

Waxaa sidoo kale jiray marti sharaf kale oo ka yimid gobalada dalka Soomaaliya qaarkood kuwaas oo ay ka mid ahaayeen C/salaan Faarax Jaamac oo gobalka Sool ka socday iyo Yuusuf maxamed Diiriye oo isna ka socday gobalka Bari.

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa waxaa munaasbadan kaga qeyb galay guddoomiye ku xigeenka xiriirka ahna madaxa wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galaya cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika Axmed Nuur Xasan cabdulle, xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada tartanka CECAFA Senior Challenge cup Cabdi Qani Saciid Carab iyo Yaxye maxamed Abuukar oo xubin ka ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaaliyeed Abdi Yusuf Maaheer oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xulka qaranka ay kusoo dhaweynayaan munasabada casho sharafta ah ayna aad ugu rajo weyn yihiin guul in ay ka keenaan tartanka CECAFA.

 

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan arko Soomaali mid ah oo u socota tartan isboorti iyagoo huwan magaca iyo calanka Soomaaliyeed”ayuu yiri xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaaliyeed Abdi Yusuf Maaheer.

 

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee ganacsatada Soomaaliyeed Cabdirashiid Heybe dubad oo hadal qiimo badan oo uu munasabada ka jeediyay hordhac uga dhigay mahad celin gaar ahaaneed oo ku socota xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo howl qaran ka dhex wada dal bur bursan oo dagaalo ay hareeyeen.

 

“xiriirka iyo cayaartoyduba kaalintoodii wadaninimo ayay buuxiyeen waxaana taa daliil u ah in iyadoo dalku xaalad aan ognahay uu ku jiro ay hadana tartan dibada ah u socdaan si ay qaranka Soomaaliyeed u matalaan”ayuu yiri xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaaliyeed Cabdi rashiid Heybe Dubad.

 

“Tani waa arin taariikhi ah waxaana aad arkeysaan in sidii dad dowlad leh oo kale ay u dadaalayaan waxaana ay mudan yihiin taageero iyo dhiiri gelin”ayuu xogahayaha guud ee ganacsatadu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

“Maanta wixii ka bilowda waxaan idin sheegeynaa in wixii awoodeena ah aanan idinka hagran dooninin oo aan idin garab taaganahay sababtoo ah waanu isu baahanahay, waxaana rajeyneynaa adinka oo guul keenay in aan mar kale is aragno”ayuu mar kale yiri xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaaliyeed Cabdi Rashiid Heybe Dubad.

 

Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani Saciid carab oo intaa kadib hadalkii qaatay ayaa ka warbixiyay taariikhda xiriirka iyo horumarka uu ku talaabsaday sanadkan sida qabashada cayaarihii gobalada, dhismaha garoonka Stadium Banaadir, tababarka xulka qaranku ay mudo sadex bilood ah ku qadanayeen dalka Jabuuti iyo arrimo kale.

 

“Tartankii aanu ku qabanay Garowe waxaa uu ahaa mid faa’iido badan dhalay sababtoo ah waxaa uu iftiin iyo daah-fur u noqday nabada iyo is dhexgalka dad muddo dheer kala maqnaa”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

 

Waxaa uu xoghayaha guud xusay in tan iyo bishii October ay xulka qaranku ku tababar qaadanayeen dalka Jabuuti iyadoo ay sanadkana ku jiraan cayaaryahano badan oo laga keenay dalalka galbeedka taas oo ka mida talaabooyinka loo baahnaa ee uu xiriirku sanadkan qaaday.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu sheegay in cayaartoyda qaranku ay ku shaqeeyaan iskaa wax u qabso oo aanay wax mushaarooyin ah qaadan kuwa gudaha iyo kuwa dibada ka yimidba ayna ku qanacsan yihiin in ay qarankooda difaacaan.

 

Ugu dambeyntii guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Axmed Nuur Xasan cabdulle oo munaasabada casho sharafta ah ka hadlay ayaa uga mahad celiyay ganacsatada Soomaaliyeed talaabada dhiiri gelinta leh oo ay xulka qaranka u sameeyeen waxaana uu sheegay in taariikhdu ay xusi doonto.

 

“Waxaad niyada u dhisteen xulka qaranka waana wax la idinka filayay aad ayaana idinkaga mahadcelineynaa casho sharaftan quruxda badan aniga oo ku hadlaya magaca guddoomiye Siciid maxamuud Nuur mugaabe iyo kan guddiga fulinta xiriirka”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Axmed Nuur.

 

Cayaartodya laga keenay dibada sanadkan ayaa waxaa ay kala yihiin Cali Baashi iyo Axmed Cumar oo laga keenay dalka Canada, Shiine Cabdi iyo Ismaaciil Yuusuf oo laga keenay dalka Mareykanka, guuleed Ibraahim iyo Kaamil Maxamed oo laga keenay dalka Ingiriiska iyo Cabdi rashiid Cadaay iyo Ciise Aadan Abshir oo laga keenay dalka Norway.

 

Si aad ula socoto dhaq dhaqaaqyada joogtada ah ee kubada cagta Soomaaliya booqo website-ka laba luqadlaha ah ee xiriirka www.somsoccer.com ama kala soo xiriir cinwaanka ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Uganda prepares for Cecafa

 

Ten nations will compete for the East and Central Africa Senior Challenge Cup (Cecafa Cup) which starts in Uganda on Wednesday.

 

The hosts, who have won the event a record nine times, are seeking their first triumph in five years and are in Group A with Tanzania, Rwanda, Zanzibar and Somalia.

 

Uganda finished third in last year's event in Tanzania, behind Sudan and Rwanda.

 

Defending champions Sudan are in Group B alongside Kenya, Burundi, Djibouti and guests Zambia with the top two sides in each group qualifying for the semi-finals

 

The opening games of the tournament are in Group B with Zambia playing minnows Djibouti and Sudan facing Kenya.

 

Zambia will participate as guests, after being invited to replace Eritrea, who withdrew from the two-week tournament.

 

The Zambians won the tournament in 2006 in Addis Ababa, having also been invited as guests then.

 

Kalusha Bwalya, the president of the Zambia Football Association, has said the tournament will be ideal preparation for the year ahead.

 

"We're very happy the Cecafa executive invited us to this regional tournament because it will help our team prepare better for both the African Nations Championship (CHAN) and the 2010 World Cup and African Cup of Nations qualifyiers," he said.

 

Kenya, Rwanda and Sudan go into the tournament on a high as East Africa's representatives in the final phase of the World Cup and Africa Cup of Nations qualifiers, which begin in March.

 

Tanzania will also be using the event as a warm-up for the first ever finals of the CHAN, which kick off in the Ivory Coast on 22 February.

 

The Tanzanians already have a psychological advantage over 2007 Cecafa champions Sudan, having only recently knocked them out of the CHAN qualifiers.

 

Kenya coach Francis Kimanzi has said he is giving the tournament the same respect as the World Cup qualifiers.

 

Burundi have yet to win the event, with their best showing coming as runners-up to Ethiopia in 2004.

 

Ethiopia are prevented from taking part as they are serving a Fifa suspension.

 

Source: BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hiiraan Online

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Tuesday, December 30, 2008

 

Kampala, Uganda (HOL) - Xulka Qaranka K/cagta Soomaaliya ayaa shalay galab soo gaaray magaalamada Kampala ee waranka Uganda oo 31-ka bishan December ay ka billlaabanayaan ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA Senior Challenge Cup.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Uganda Danjire Sayid Axmed Sheekh Daahir oo hoggaaminaya taageerayaasha xulka oo is kugu jira kuwa Uganda degen iyo taageerayaal ka yimid wadamada Yurub waxaana ka mid ahaa Dr. Maxamed M Cilmi (STREPTO) ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe oo 42-km u jira magaaladda Kampala, waxanaa safiirku uu sheegay inuu ku faraxsanyahay ka qeyb galka ciyaarahan ee xulka Somalia iyo difaacidda calanka Jamhuuriyadda, isagoo ka codsaday dadka SOomaaliyeed ee wadankan Uganda degan in ay u soo baxaan xulkood, una muujiiyaan taageero kal iyo laab ah.

 

Wafdiga iyo ciyaartooyda oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka xiriirka SOomaaliyeed ee K/cagta Axmed-Nuur Xasan Cabdulle ayaa loo soo galbiyay Hotelka Mandella Sports Hotel oo 10-km u jira bartamaha magaaladda Kampala, hase ahaatee ay ku qanciywaayey saraakiisha Xulka in ay degaan Hotelkaas, iyagoo ka cabanayay in Hotelka uusan laheyn Air-condition iyo marawada midkood, waxaana jira xoogaa kuleyl ah oo ka jira magaaladda Kampala.

 

welcome1.jpg

 

Xilli badan ayay qaadatay in la xalliyo dhibaatada ay ka cabanayaan ciyaartooyda, waxaana yimid dhammmaan Madaxda Xiriirka Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA ee uu hoogaaminayo guddoomiyahooda Tenga oo u dhashay wadanka Tanzania, Nicholas Musonye oo ah xoghayaha CECAFA iyo C/qani Siciid Carab oo ah guddoomiyaha tartanka CECAFA ee sanadkan, iyagoo kormee iyo tijaabo kaddib codsaday in ciyaartooydu ay Hotelka degaan, kaddibna ay xallin doonaan dhibaatooyinkaas, waxaana diidmada degitaanka Hotelka ku wehliyay Xulka Zanzibar oo ay Somalia isku qeyb yihiin.

 

"Ujeedo aan uga eexaneyno ciyaartooda Somalia iyo kuwa Zanzibar ma jirto, dhammaan xulalka CECAFA waa isku xag, noomana kala wanaagsana, runtiina, Somalia xulkeedu wuxuu naga mudan yahay tixgalin xoog leh, waayo waa xulka kaliya ee aan weligiis ka maqnaan ciyaaraha CECAFA, sidaas oo kale CECAFA horumarkeeda waxaa sabab u ahaa Allaaha u naxariistee Farah Sendiko, in badan ayaana idin xushmeyney" sidaas waxaa ciyaartooyda iyo maamulkooda ku qanciyayay guddoomiyhaha XIriirka K/cagta ee CECAFA Loedger Tenga, waxaana markii dambe Maamulka farsamada e xulka qaranka Yaxye Aayoow uu aqbalay codsiga guddoomiyaha.

 

welcome2.jpg

 

Xulka Somalia ayaa muddo 3-bilood ah tababar ku sameynayay wadanka Jabuti, waxaana xulkeenu uu Group-ka A kula jiraa wadamada Zanzibar, Tanznia, Rwanda iyo wadanka ciyaaraha martigalinaya ee Uganda, waxaana ciyaarta furitaanka ay ciyaartooyda Somalia la ciyaari doonaan wadanka Zanzibar , waxaana ciyaartaaas maalinta Khamiista ah ee 1-da January ka dhici doontaa garoonka Qaranka ee Namboole Stadium.

 

Sandkan waxaa xulka Somalia u ciyaaraya ugu yaraan 8-ciyaaryahahan oo uu ku jiro weeraryahanka xulka Qaranka Ciise Midnimo oo ah ciyaaryahan professional ah, kana yimid wadanka Norway, waxaana tababahaha xulla Macallin Geela uu sheegay in sanadkan ay guulo xoog leh ka soo hoynayaan ciyaarahaan, waxaana wareys aan la kala yeelanayan Macallin iyo qaar ka mid ah ciyaartooyda qaranka aad uga bogan doontaan qormooyin ka kale ee soo socda.

 

Wadanka Suudaan oo sandkii hore tartanka CECAFA Tenga ku guuleystay ayaa koobka ku soo wareejiyay guddoomiyaha CECAFA markii ay ka soo degeeen garoonka DIYaaraha, waxaana Tenga uu isna faraha ka saaray xoghayaha guddiga qaban qaabada tartankan Moses Magogo, waxaana koobkaas la guddoon siin doonaa xulka ku guuleysta tartankan.

 

Nicolas Musonye oo ah Xoghayaha guud ee CECAFA ayaa ii sheegay in TV-ga caalamiga ah ee G Sports uu iibsaday ciyaaraha sanadkan, isagoo bixin doona half million Dollars, waa 500, 000, (Shan Boqol oo kun oo dollar) waxaana xulkii koobka ku guuleystaahi uu qaadan doonaa lacag gaareysa US Dollar 30,000 (Sodon kun oo dollar), kaalinta 2-aad 20,000 iyo kaalinta 3-aad oo qaadaneysa 10,000, iyadoo dhinaca kale kulamada ugu dambeeya tartankan si toos ah looga daawan doono Television-ka G Sports 1 iyo 2.

 

Dhinaca kale shir ballaan oo ay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha Xiriirka CECAFA iyo masuuliyiinta xiriirada qaranka ee Bariga iyo Bartamaha Africa ayaa ka dhacay hotelka Equatorial ee magaaladda Kampala, waxanaa shirkaas intii uu socday lagu doortay in wadanka Kenya uu marti galiyo ciyaaraha CECAFA ee 2009, waxaana Xoghayaha xiriirka K/cagta ee wadanka Kenya OBINGO Sammy Joel, isla markiiba uu sheegay in ciyaarahaas ay qabanayaan inta u dhexeysa 21-ka November ilaa 20-ka December.

 

welcome3.jpg

 

Qodob dood dheer dhaliyay ayaa jiray, kaas oo ahaa in luuqadaha Xirirka K/cagta ee Bariga iyo Bartamaha Africa lagu soo kordhiyo luuqadda Kiswahili, oo ay ku hadlaan dhowr wadan oo kala ah Kenya, Uganda, Tanznia iyo Rwanda, hase ahaatee xoghayaha xiriirka K/cagta wadanka Sudan Magdi Shamsu-diin ayaa isla markiiba ka dhiidhiyay, wuxuna Yiri "haddii aad dooneysaan in luuqadaas lagu soo daro luuqadaha CECAFA waa in aad macallimiin noo soo dirtaan si ay noo baraan luuqadda"

 

Somalia, Jabuti, Eritrea iyo Sudaan ayaa iyaguna wacad ku maray in haddii Sawaaxiliga ajandihiisa mar kale la soo celiyo in ay soo bandhigayaan in Luuqadda Carabiga lagu soo daro luuqadaha CECAFA, waxaana qodbada 5, 6, 7, ee dastuurka CECAFA ku qoran in luuqada rasmiga ah ee CECAFA ay tahay Ingiriiska.

 

Shirkan waxaa Somalia uga qeyb galay guddomiye ku xigeenka xiriirka Axmed Nuur iyo Xoghaye C/qani Carab, waxaana dhammaan xubnihii shirkaas ka qey galay ay ugu baaqeen ciyaartooyda iyo taageerayaasha in ay muujiyaan ciyaar wanaag, taageero wanaan iyo dul qaad intaba.

 

Ciyaarta furitaanka ah ee tartankan ayaa berri 31-ka December ka dhici doonta garoonka Jinja City ee magaaladda Jinja, waxayna dhex mareysaa wadamada Jabuti iyo Zambia, waxaana mar aan maanta wareysi gaaban la yeeshay xoghayaha guud ee xiriirka K/cagta ee wadanka Jabuti Hassan Kamil uu ii sheegay in xulkiisu uu muddo dheer isku soo diyaarinayay ciyaarahan, hase ahaatee ay cabsiga ka qabaan in xulka Zambia uu ka adkaado, waayo wuxuu yiri "Zambia waa wadan taariikh wanaagsan ku leh K/cagta, waxana dhici karta in ay naga farsamo wanaagsanaadaan, madaama ay wadan ahaan heli karaan shirkado iyo shaqsiyaad K/cagta u heelan oo taageerooyin dhaqaale siiya"

 

Labada wadanka ee deriska ah ee Ethiopia iyo Eritrea ayaa ka maqan sanadkan ciyaaraha CECAFA, Ethiopia xulkeeda waa laga ganaaxay dhammaan dhaq dhaqaaqyada K/cagta, kaddib markii xiriirka K/cagta ee wadankaas ay ka soo cusboonaadeen is qab-qabsi u dhexeeya masuuliyiinta xiriirka iyo musuq-maasuq la xiriirka dhaqaalaha xiriirka oo si qaldan ay u isticmaaleen, halka xulka Eritrea uu ciyaarahan uga maqan yahay sababbo la xiriira cabsi laga qabo in ciyaartooydooda ay fakadaan markii ay Uganda yimaadaan, waayo wadanka Eritrea ayaa ah wadan ku jira gacan military oo aan ogoleyn in dhalinyaradu ay banaanka u safraan, waxaana maqnaanshaha Eritrea ka fiideysatay xulka wadanka Zambia oo buuxiyay booskii Eritrea, waxaana Zambia ay ku qeybtahay xulalka Suudaan oo koobka difaacaneysa, Kenya, Jabuti, iyo Burundi.

 

Ugu dambeyntiina qarsooraha Soomaaliyeed C/qaadir Xasan Xeyle oo ka mid ah 6-da garsoore ee tartanka dhex dhexaadinaya ayaa ku guuleystay tijaabada caafimaadka iyo tibaabada kale ee Cooper test ee ah fiyoobida jir ahaaneed, waxaana Xeyle uu ka mid noqday garsoorayaasha aadayaa magaaladda Jinja ee dhex dhexaadinaya ciyaaraha qeybta B.

 

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Kampala, Uganda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Kadawo, if I was a millionaire like many many somali millionaires in both Africa and Arabia I would have taken over the whole cost of the Somali national team while in the game and to inject some pride and confidence in them and to give them all the support they need and all the way to the final. caku!! smile.gif

 

...wishing them good luck!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Winnie, I believe they are recruited all corners of the world. I think there is some kind of scouting, who does this; Somali FA or Somali individuals in Europe, I am not sure. Surely, some are from the clubs in Mogadishu, others simply play for amateur Somali teams in Europe. Most interesting is these two players selected from regional tournament held recently in Garowe.

 

But nothing else does matter than our unconditional support to them. So say with me: COME ON THE OCEAN STARS!

 

Allamagan, you are welcome bro. I feel the same way as you. But since I am poor guy, I can only offer them a moral support. COME ON THE OCEAN STARS!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

Waa war igala warkan. Waxaan haystaa koox aan maanta ku faani karo balse ma haysto dowlad aan ku faani karo. Halyeeyo iga dheh!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Today Somalia is playing with Rwanda.

 

Rwanda beat Somalia in their last 3 appearance by 3-0 on 2001, and 1-0 on 2002, then 3-0 on 2006.

 

Can Somalia change the course, and show the Rwandese some lessons.

 

 

Possible predict for today:

 

Somalia 2-1 Rwanda.

 

 

PS: This should be in Sports Section

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this