Sign in to follow this  
Haashim

JACBURKII DHOODAAN .. HADDAY DUMARKU LACAG LEEYIHIIN MABA GABOOBAANE

Recommended Posts

Haashim   

this bit is FUNNY but TRUE :cool:

 

Hadday dumarku lacag leeyihiin MABA gaboobaabaane :rolleyes:

Kol hadday qubays iyo wajiga bootar ku caddayso smile.gif

Lixdankii siddeed baan jireey kugu tiraahdaaye HEEDHE

 

Jacaylkana anaa kala bartayoo wuu I daashadaye

Gabdhahaan ay ka daba boodayaan lacag ma haystaane :D

Habar kun iyo boqol haysataa la oggolaadaaye ;)

 

Soow hadda maad garan

 

Sheekeeyooinkeedaana waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo shan baan diiday waa laga dhegeystaaye :D

Hadday tiraahdo cirkaan taabtay waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo baddaan jiiray waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo anaa kaa yar waa laga dhegeystaaye :confused:

Gaarinimo kolkay sheegatee muranka dayn weydo

Waxaa lagu yiraahdaa bullooy shaah inoo kariye

 

Qaxwahay samaysaa hadduu muufo noqon waayo

Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye

Soow hadda maad garan

Ayaa lagu ogaadaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

I like Dhoodaan. He is so funy and talented. here is some of his work. This is not Jacur though.

 

1. Gidigeeda Soomaalidaa guudka ka islaan dheh. Gun markaad u sii fiirisana gaalo taag daran dheh.

 

 

2. Nabi Muxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (csw)

Isagana waxaa lagu jirabay inuu jihaadaaye

Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ka damacdeene

 

 

3. Waxaa murugo iyo qoomamiyo maanqashiyo ciil leh. Maskax iyo garaad iyo wixii muruqba kaa liita. Markuu adiga sharaftaad mudnayd kaa maroorsado e

Naftu inay maqnaato iyo inay mahad ku noolaato. Maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye.

 

 

 

4. Waraabaha ku ruugaaya iyo aar ku raamsanaya

Sidday kuugu kala roon yihiin maad u kala reebtid

 

 

5. Ninkii rodolna miisaama ee kiilo raajiciya

Ee raasamaalkuu helaa rubuc ka hooseeyo

Xisaabtaa inuu dib u rogrogo sow ra'yigu ma aha

 

 

6. Danbaaburiyo gaaraabidhaan fiid is daba yaacay.

Danbas iyo wax nool kay yihiin daa'imaan garane. Dab iyo qiiqna waan kala aqaan saa duqbaan ahaye

 

7. Qof walaalkii gaday meel shishaa laga ganaaxaaye. Gacal uu xigaalkood hagraday gocosho dayn waaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looool Muraad,!!

 

Do you have more jacbur in that writen format?

 

This man is legend! dunno if he dead or not, but

what a great abwaan!!

 

 

Qaasatan mahaysa miduu ka shekenayo oo uu leeyahay wan

aqaana shukansi gabar miyi iyo mid magaalo

 

....xanjadad u gadi

agtaadey kasoo raamsata

sidii hashaadiye!

 

--00--00--00--

 

Warwareegayeey xaafadaha

waan ka baqayaaye!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

This man is legend! dunno if he dead or not, but

what a great abwaan!!

Allamagan, the Abwaan is ALIVE, I met with him this year, August it was, he is still legend and can make you laugh with his endless stories.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Allamagan Sxb he is.

so far I've written these parts, I will write all the JACBUR Inshsaallah soon including the bits you asked. in the meantime if you want to listen vist Hiiraan.com .

have a look and enjoy it.

 

..........

 

Inaan xididka sooriyo markaan sharafka doonaayo

Intaan saxan buraanbura cusbada ugu macaaneeyo

Oon geeraaradydii badnaa qaar u soo kariyo

Oon gabay basbaas ugu daroo hello ugu qooyo

Waa inaan bur soo qaatoo cuna iraahdaaye .. ma garaty …

Dul badnaanta iyo deeqda waan kala aqaanaaye

Rag casumaaddiisu waa inaad subax u yeertaaye

Casar gaabadkii waa inaad qadada siisaaye

Waa inay ka soo faraxashaan aqaLLadoodiiye

Xeerada hadday kaa marshaan adigoo hor jooga

Ama ay kula murmaan waa inaad FEER ka badisaaye

Martidoo dhan waa inaad dabadeed lacag ka qaadaaye soow hadda maad garan

 

……………….

Gabay kalana waan soo sidaa sidii xammalkaaye

Soow hadda maad garan YAA

Kubbad meel bannaan lala tagoo lagu ciyaaraayo

Sidii habar sirwaal qaadatayoo laad ku kicinaysa

Gabay fiican oo fiican baan anigu sheegaaye YAA

 

Magaalo iyo reer badiyuu ficil dhex joogaaye

Kolkuu shaararkii kaa gurto lacagna kaa qaato

MAXAAD dhaqatay buu kugu yiraahdaa waayo dabadeede

 

Soow hadda maad garan YAA

 

 

Hadday dumarku lacag leeyihiin MABA gaboobaabaane

Kol hadday qubays iyo wajiga bootar ku caddayso

Lixdankii siddeed baan jireey kugu tiraahdaaye HEEDHE

 

Jacaylkana anaa kala bartayoo wuu I daashadaye

Gabdhahaan ay ka daba boodayaan lacag ma haystaane

Habar kun iyo boqol haysataa la oggolaadaaye

 

Soow hadda maad garan

 

Sheekeeyooinkeedaana waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo shan baan diiday waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo cirkaan taabtay waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo baddaan jiiray waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo anaa kaa yar waa laga dhegeystaaye

Gaarinimo kolkay sheegatee muranka dayn weydo

Waxaa lagu yiraahdaa bullooy shaah inoo kariye

Qaxwahay samaysaa hadduu muufo noqon waayo

Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye

Soow hadda maad garan

Ayaa lagu ogaadaaye ..

 

Nin shukaansi doonaa yaqaan hadal macaankiisii

Kolba tuu la jooguu yiraahdaa caashaq baan ahaye

Muraad inaatn u jeedaana waa adigoo caynkaase

Waxba lama jeclaanine gabdhaha waa la sirayaaye

Dhallinyarada caynkaa u badan yaa la talin doona

 

Soow hadda maad garan YAA

 

Inan suuqa mulacyaysay oo diidday gurigooda

 

 

……………

Sidii gabar macaan oo xareed lagu macaaneeyay

Oo toob macaan qaadatay oo socd macaanaatay

Oo kabo macaan iibsatay oo hadal macaan sheegtay

Oo reer macaanina dhaleen oo guri macaan joogta

Oo sariir macaan iyo aroos lagu macaaneeyay

Oo sida gallaydoo macaan wada macaanaatay

Gabaygaygu sida fuud macaan waa macaan yahaye

 

Ma garatay YAA

 

Gabar baan jeclaadayoo I jecel mana jecladeene

Hadday I jeclaatana ma rabo inaan jeclaadaaye

Ninkey jeclaatana LA WAA inuu jeclaadaaye

Kii aan jeclayn waa iyadu inay jeclaataaye

Jacaylkayga iyo keedu waa labo jeclaanoode

 

Soow hadda maad garan

 

Gabar sinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye

Tu naasuhu janjeeraan waa inaan jeclaadaaye

Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye

Garoobkii I soo jiidha waa inaan jeclaadaaye

Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye

Duqdii jaadka gadanaysay waa inaan jeclaadaaye

Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye YAA

Wadaadaan jeclaaday ee dharaar macawista I siisay

Gurigeeda waagaan tegay ee shaaha ii karisay

Haasaaweheedii kolkuu sooba maran waayay

Feerka iyo tantoomada sidii uguma boobeene

Kolkay qaad I siin wayday baan mowdka ka adeejiyay

 

 

Sidii gabar madoow oo casoo quruxda aad yaabto

Oo gaaban oo dheer sidii kaman la feereeyay

Ama habar bidaar leh oo dhakada xaadi kaga taallo

Ama oday malkhabad soo xidhayoo guudka firanaaya

Ama gorayo seetaysanoo LAADKA baranaysa

Ama dacawo suuq taagan oo xoolo gadanysa

Ama bakayle weyseysaty oo foodda dhiganaaya

Ama labo digaag oo hodheel shaar ka gadanaysa YAA

Doofaar hoggan lagu xirayoo keeno lagu riday

Oo la xakameeyayoo indhaha laga saliideeyay

Ama xoor hangool lala dhacaa waa is dibiriyaaye

Anna gabayga sidii shaah qubtay baan kaga daryaanshaaye

 

 

Amran waxaad tiraahdaa qalbigu muufo kaa noqoye

Ifrax waxaad tiraahdaa dundumo soo dhacdaad tahaye

Iftin waxaad tiraahdaa sidii doolligaad noqone

Asli waxaad tiraahdaa adigaa jeer ka qurux wayne

Ardo waxaad tiraahdaa haddaan kala maqnaanayno

Waxba anigu taa kama qaboo adiyo yeelkaaye

Aasiyo xawaasheey gabdhaha waad u sidataaye

Waan ku soo nacnacayaa haddaan kuu imaadano e

Waa inaan sidii labo is rabo kala maqnaanaaye

 

Soow hadda maad garan

 

Sidii baasto ciir lagu daray oo faanto lagu qooyay

Ama badar gallay iyo haruur lagu madoobeeyay

Ama habar yar oo toban jir ah oo naasku dhagaxoobay

Oo daasad wadatoo xarrago dhan isu tuuraysa

Quruxdaadu waa sida nal iyo booc tubaako ahe

 

Soow hadda maad garan

 

Geesiyadna waad tahay illeyn sharafku waa sade ….

Nacaska sidiisii hooyasdaa waad la dirirtaaye

Caydiyo dagaalkana gabdhaha waad ka badisaaye

Ninkii kulahdlaa lagu yaqaan inaad dacwaysaaye

 

Soow hadda maad garan

 

Sida kaneecaday kaa baqaan darisyadiinuye

Reeraha aashaankuuda waad jabin taqaanaaye

Qofkii ku maagiyo naagahaad timaha jiidaaye

Gabadhaa intaan caashaqay baan meeday leeyahaye

Ninkii iga jeclaadaan rabaa inaan bureeyaaye

Ammantaada maba sheegi karo caawo oo qura e

Waxaad tahay macaan iyo kharaar la isku soo daraye

Ama caano qaad iyo basbaas ay ku kariyeene

Deggenaanta laafyaha markaad jagac ka siinayso

Bushkuleeti nimaan fuushanayn gaari kari waaye

 

 

Soow hadda maad garan

 

Digaag dhalay waxaa laga lisaa baaldi caano ahe

Muufada kolkaad shiiddo waa lagu qubaystaaye

Saabuun la dubay waa inay maraq lahaataaye

Shaydaan iblays guursadaa doolfin buu dhaliye

Diid oo dhan kaan ugu jeclaa soow dameer ma ahan baan iraahdaa

 

Ma garaty illeen gabygu waa gabaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Allamagan this is the piece you were looking for

enjoy it

Agtaaday ka soo Raamsataa sida hashaadaaye smile.gif

 

 

Waanigii iri markay naagtu I faalsaysayna HEEDHE

 

Horta kabo fayga lagu joogoo ciribta loo dhoobay

Iyo toob la soo gaabiyoo lowga kor u dhaafay

Alaabtaa markay qaadatoo lacagna ay waydo

Fitigfaatigleeyay markay dabada sayrayso

Ciddi tiikhan weeyee hadday saynta kor u qaaddo

 

Soow hadda maad garan

 

Laamiga kolkay joogsatee tumasho doonayso

Shaqadeedii weeyee haddaad foori maqashiiso

Jig kolkaad tiraahdid jindhac bay u soo laabataa waana la hubaaye

ASBAX bay tirahdaa iyadoon kaga dhabaynayne

Kolkaasaad is leysaan haddana dib u heshiisaane

 

Soow hadda maad garan

 

Kolkaasaad habeenka dambena meel ku aragtaaye

Dabadeed waxay tiraahdaa ninyohow filimka ma i geyne

Tagsigaa intii lagu rito uunbaa xamar (shanemo xamar) la geystaaye

Faanto iyo waxaa loo gadaa caanaha kulule

Kookakoollo iyo boollo (digaag) way dalmsanaysaaye

Lacag ayan lahayn naagi way cuni taqaanaaye

Xanjadaad u gaddid bay calashanaysaaye

Agtaaday ka soo ramsaataa sida hashaadaaye

 

Soow hadda maad garan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Ninkaan is my hero...Dhoodaan is someone I will love to meet walaahi...kkkkkkkk...

Waraa Nuune sxb phone kiisa ayaad kasoo qaadi laheed nin yahoo!!! majirtid yaaqee!!!!

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

What many don't know is that Dhoodaan mucaarad buu ahaa marka JACBURKIISA macno kaluu xambaarsanaa not just as COMEDY

 

for example this five ladies (Amaran, Ifraax, Iftin, Asli and Ardo) they said he was meant FIVE Revolutionary Supreme Council (Shanta Golaha Sare Kacaanka)the Five Top men :( and so on ...

 

So these pieces aren't as they appear :cool:

 

Aasiyo Xawaash ayaanan fahmin smile.gif

 

Amran waxaad tiraahdaa qalbigu muufo kaa noqoye

Ifrax waxaad tiraahdaa dundumo soo dhacdaad tahaye

Iftin waxaad tiraahdaa sidii doolligaad noqone

Asli waxaad tiraahdaa adigaa jeer ka qurux wayne

Ardo waxaad tiraahdaa haddaan kala maqnaanayno

Waxba anigu taa kama qaboo adiyo yeelkaaye

Aasiyo xawaasheey gabdhaha waad u sidataaye

Waan ku soo nacnacayaa haddaan kuu imaadano e

Waa inaan sidii labo is rabo kala maqnaanaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D Murad, somalidu waxay tiraa afsomaligu

waa sida margi oo kale ama waxy tiraa

la jiifiyana bannaan la joojiyaana banaan!

 

So when you listening somali songs, nothing

looks innocent though! even a simple somali

song can be politicized by the composer of the

song itself, if not then the somalis (listeners).

 

Thanks for Jacburka, I cant get enough of it.

this man is gifted!

 

Alamagan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this