Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Plane Crashlands at Hargeisa Airport

Recommended Posts

Hargeysa (Jam)- Diyaarad yar oo ay leedahay hay’adda ICAO, ayaa galinkii dambe ee shalay ku soo dhacday madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, kadib cilad ku timi awgeed ay u bixi waayeen taayiradu.

 

Rakaabkii diyaarada saarnaa oo tiradoodu gaadhayso ilaa 12 qof oo isugu jiray afar shaqaalihii diyaarada ah, 7 Soomaali ah iyo qof la sheegay in dhalashadiisu Talyaani tahay ayaanay waxyeelo soo gaadhin, balse waxa khasaare aan xadigiisa la qiyaasin soo gaadhay diyaarada siday.

 

Sida ilo wareedyo kala duwan oo galinkii dambe ee shalay madaarka Hargeysa ku sugnaa, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in diyaarada oo ah nooca yaryar ee Qaramada Midoobay adeegsato ahi, ay duhurnimadii shalay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, iyada oo u sii jeeday dhinaca maamul-goboleedka Puntland, balse markii ay ka kacday madaarka Garawe ee ay damacsanayd inay ku degto garoonka diyaaradaha Boosaaso ayey cilad ku timi awgeed taayiradu u bixi waayeen, iyada oo markii ay wax gurmad ah ka weyday Puntland u soo noqotay dhinaca Hargeysa.

 

Markii diyaaradu soo gashay hawada Somaliland ee ay maamulka madaarka Hargeysa la socodsiisay cilada ku timi, ayaa duuliyeyaasha lagu amray inay shidaalka ku dhameeyaan hawada si looga badbaado qarax diyaarada ku yimaad, kadibna ku soo daayaan dhabaha diyaaradaha, iyada oo halkaasi loogu diyaariyey dam-damisyo laga keenay dhinaca magaalada Hargeysa, kadib markii uu fadhiistay dam-damiskii ugu weynaa ee madaarku lahaa.

 

Dhawr saacadood markii ay diyaaradu hawada wareegaysay ee shidaalkii dhamaysatay, ayey duuliyeyaashii waday iyada oo bilaa taayiro ah ku soo daayeen dhabaha madaarka, waxaana soo gaadhay burbur aan khasaarihiisa la qiyaasin, balse nasiib-wanaag waxyeelo soo may gaadhin rakaabkii diyaaradu siday, waxaana laga soo saaray iyaga oo bad qaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Old soviet era planes should be banned from Somali skies. Too old and no maintenance. I would advise you all not to go via Djibouti on Daallo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by AfricaOwn:

Dallo is a great East African Airline. Don't listen to him folks.

Typical :D

 

I tell the owner the same thing :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by GaroweGal:

Dallo airline :confused: East African airline, never heard of it before.

East African is the best so far ...... the have a direct flight Hargeisa/Nairobi/Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was there when it crash landed, at first us folks waiting for relatives were led to beleive it was the expected Jubba airways that had the problems, so after it landed safely we all said alxumdullilah only then did we see the small plane circling the airport.

 

When it landed the joke among Hargeisa folks was 'Ruushkii baa fuuley' and the best one 'Zaad baa tyre loogu diray '

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

quote:Originally posted by GaroweGal:

Dallo airline :confused: East African airline, never heard of it before.

East African is the best so far ...... the have a direct flight Hargeisa/Nairobi/Hargeisa.
Those places don't tickle my fancy at all. I want an airline that can take me directly to garoowe :D If it can't do that then it must be a useless airline.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this