Sign in to follow this  
Deeq A.

OCHA oo shaacisay in qoysas badan ay ka barakaceen G/Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa lagu sheegay in dad kumanaan ruux ah ay barakiciyeen dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay OCHA ayaa lagu sheegay in tan iyo horraantii bishii la soo dhaafay ay kumanaan qoysas ka barakaceen degmooyinka tirsan gobolkaasi.

Madaxa isku xirka arimaha bani’aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo walba oo looga hortagayo in dhibaato ay soo gaarto dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Gedo.

OCHA ayaa shaacisay in qoysas gaaraya 2.6 Milyan ay ku barakaceen guud ahaan colaadaha ka jira gudaha Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii dagaal u dhexeeyey ciidamada  dowladda iyo kuwa Jubbaland uu ka dhacay degmada Beled-Xaawo iyo deegaano dhaca xadka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this