Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Taliyaha Booliska AMISOM oo kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka u dhexeeyay Taliye Cabdi Xijaar iyo Taliyaha Booliska AMISOM Augustine Magnus Kailie waxaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta labada Ciidan iyo sidii ay iskaashi u sameeyn lahaayeen.

Sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay sugidda amniga Arrimaha doorashooyinka la filayo in dalka Soomaaliya ay dhacaan dhamaanka sanadkan 2020/2021.

Kulanka dhexmaray Taliyaha Ciidanka BoliiskaSoomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Midowga Afrika ee AMISOM  ayaa waxaa ka qeyb ahaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Taliyaha Booliska AMISOM oo kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this