Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war ka soo saaray dagaalkii Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo xiisadaha ka taagan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitterka ee safaarada ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu ka xun yahay xasaradaha ka jira gobolkaasi.

Sidoo kale Mareykanka ayaa dhinacyadii shalay ku dagaalamay gudaha degmada Beled-Xaawo iyo deegaanada xuduuda ee ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, dalka Kenya ugu baaqay in ay ka hortagaan dagaal kale oo ka dhaca halkaas.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ciidamadii ku dagaalamay degmada Beled-Xaawo ugu baaqay in ay u turaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this