Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibril iyo wefdi uu hogaaminayey, oo safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Jarmalka, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Gudoomiyaha iyo Wefdiga uu hogaaminayay, waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhoweeyay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada  Avv: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Xukumadda, Saraakiil ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada dowladda Puntland iyo Saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Sidoo kale, waxaa qayb ka ahaa soo dhaweynta, dadweyne kala duwan oo watay Calamada Puntland iyo Soomaaliya, kuna labisnaa dharka Hiddaha iyo Dhaqanka, kuwaas oo si wanagsan uga qayb qaatay soo dhoweynta Gudoomiye Cabdirashiid iyo wafdigiisa.

Soo dhoweyn kadib, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo qeybta VIP ee Airporka Garoowe kula hadlay warbaahinta, ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweyntii loo sameeyey, Islamarkaana waxaa uu Hambalyo u diray Ciidanka Difaaca Dawladda Puntland.

Waxaan u hambalyeeynayaa Ciidamada Difaaca Dawladda Puntland ee jooga jiidaha iyo xuduudaha Dalka, khaasatan Ciidamada jooga jiida Gobolada Sool iyo Sanaag oo maalmihii ugu dambeeyey si wadaniyad leh uga hortagay weerarro gaadmo ah oo uu cadowgu soo maleegay.” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiillada

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril, ayaa ugu dambeyn sheegay in Safarki uu ku tagay dalka dibadiisa uu ku soo dhamaaday Guul.

1-2.jpg?resize=1000%2C716&ssl=1 2-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-2.jpg?resize=1000%2C634&ssl=1 6-1.jpg?resize=1000%2C943&ssl=1 7-1.jpg?resize=1000%2C645&ssl=1 7-1.jpg?resize=1000%2C645&ssl=1 8-1.jpg?resize=1000%2C760&ssl=1 9-1.jpg?resize=1000%2C688&ssl=1 10-1.jpg?resize=1000%2C678&ssl=1 12.jpg?resize=1000%2C649&ssl=1 13.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 15.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 14.jpg?resize=1000%2C626&ssl=1 11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this