Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoorqoor Oo Saxiixay Miisaaniyadda 2020-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor” ayaa saxiixay miisaaniyadda dowlad goboleedka Galmudug ee sanadka 2020-ka kaddib markii ay meelmariyeen golaha wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka labaad ee Galmudug.

Miisaaniyada cusub ee Galmudug ayaa gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar) , miisaaniyadan ayaana ka badan tii sanadkii hore oo aheyd 8-Milyan oo Dollar.

Munaasabaddii uu madaxweyne “Qoor Qoor” ku saxiixay miisaaniyadda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi oo uu madaxweynuhu xalay casho sharaf mahadcelin ah u sameeyay.

Miisaaniyadda Galmudug waxaa horey u meel-mariyay golaha wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka maamulkaas, iyadoo ugu dambeynti Madaxweyne “Qoorqoor” xalay uu ku saxiixay Magaalada Dhuusamareeb., isla Xalayana waxa uu casho Sharaf u sameeyay Xildhibaanada Galmudug.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this