Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin la dhashay Madaxweyne Cagjar oo MINDI lagu dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Onlinbe) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Toorey mana Mindi oo xalay lagu qaaday nin la dhashay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itioobiya, Mudane Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar).

Weerarka ayaa lagu soo warramaya inuu ka dhacay gudaha magaalada Dhagaxbuur, iyadoona lagu qaaday Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin Cagjar.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu Cabdiraxmaan weerarkaasi ka soo gaaray dhaawac, islamarkaana lagu dabiibayo xarun uu isagu maamule ka yahay oo ku taalla Dhagaxbuur.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkaasi, iyadoona ninkii fuliyey oo isku dayey inuu baxsado gacanta ay ku dhigeen ciidamada ammaanka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan baaritaaano dheeraad ah laamaha amnigu ay ku hayaan ninkaasi, si loo ogaado qorshaha uu ka lahaa weerarkaasi.

Dhacdadaan ayaa ah mid ku cusub deegaanadaasi, iyadoona si aad ah saaka looga hadal hayo magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this