Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda magaalada Beled-Xaawo oo saaka degan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo degmada Beled-Xaawo oo ay ku dagaalameen ciidanka DF iyo kuwa Jubbaland.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay dareemayaan xoogaa xasilooni ah, hase’ahaatee weli ay jirto cabsi laga qabo inuu dib u qarxo dagaalkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Beled-Xaawo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo haatan dhaq dhaqaaqyo ka wada duleedka degmadaasi.

Xiisada ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo maalmihii dambe ka taagneyd gobolka Gedo ayaa shalay sii xoogeysatay, kadib markii ay dagaalameen 2 dhinac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this