Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Lagu Qaaday Nin La Dhashay Madaxweyne Mustafe Cagjar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Dhagaxbuur)-Nin hubeysan ayaa xalay weerar loo adeegsaday Toori ku qaaday nin la dhashay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, kaasi oo uu soo gaadhay dhaawac Culus.

Wararka aanu ka heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarka lagu qaaday Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha deegaanka uu ka dhacay Magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka.

Dhaawaca Cabdiraxmaan Muxumed ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla gudaha Magaalada Dhagaxbuur, taasi oo la tilmaamay inuu isaga maamule uu ka yahay.

M-3-549x430-1.jpg

Sidoo kale Ninka ku hubeysnaa Tooreyda ee weerarka ku qaaday Cabdiraxmaan Muxumed Cumar ayaa isku dayay inuu falka kadib goobta ka baxsado, hayeeshee Ciidanka amniga ayaa gacanta ku dhigay, isagoona la xidhay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this