Deeq A. Posted March 3, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu si gaar ah uga fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe Saraakiisha hoggaamineysay baaritaanadaasi ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga waddada dheer ee isku xirta labadaasi magaallo. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ka fuliya jidkaasi, kuwaas oo ay la beegsadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay ku socdaalayaan halkaasi View the full article Share this post Link to post Share on other sites