Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka warbixiyey duqeyn uu ka fuliyey Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeymo labo ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay diyaaradahooda laba duqeymo ah ka fuliyeen deegaankaasi.

Mareykanka ayaa sheegtay in duqeymahaasi uu ku dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena uu ku dhaawacay labo kale, sida uu hadalka u dhigtay.

Sidoo kale AFRICOM ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay baarayaan haddii ay jiraan khasaare soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqaan goobaha la duqeeyey

Diyaaradaha Mareykanka ayaa maalmihii ugu dambeeyey kordhiyey duqeymah ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this