Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo kala saxiixday heshiis dayn cafinta

Recommended Posts

Deeq A.   
Daynta.jpg?w=1000&ssl=1

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga horumarinta Afrika Khaled Sherif ayaa kala saxiixday Heshiiska cafinta daymaha Bangigu ku leeyahay Soomaaliya.

Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast waxaa uu daba joogaaa go’aankii guddiga sare ee maamulka Bangigu ay gaareen 26kii bishii la soo dhaafay ee February waxaa Soomaaliya looga cafinayaa 122.55 milyan oo doolar.

“Waa maalin kale oo taariikhi ah, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan, waxaan saxiixnay heshiiska Deyn_Cafinta qeybta Bangiga Horumarinta Afrika, AFDB.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda kadib markii uu Heshiiska saxiixay.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in heshiiskani ay ku taageerayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiiragalinta dib u habeynta hey’adaha maaliyadda oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya wado.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo kala saxiixday heshiis dayn cafinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this