Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada KENYA oo la dalbaday in dalka laga saaro kadib dagaalkii Beled-Xawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay inay ku xadgudubtay qaanuunka caalamiga ah.

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in Kenya ay si khaldan u adeegsatay awoodda sharciyadeed ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, oo dalka u joogga inay Dowladda Federaalka kala shaqeeyan arrimaha amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab.

“Kenya waxa ay ku xadgudubtay qaanuunka caalamiga, waxa ay si xun u adeegsatay awoodda sharciyadeed ee AMISOM, sababo ku aaddan kaalinteeda wiiqidda deganaanshaha Soomaaliya, Xadgudubyadeeda aadka u xun waxaa ka mid ah duqean la beegsadaan goobo rayid iyo xarumo ganacsi.” Ayuu yiri Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf.

Waxa kaloo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u dulqaadatay in badan oo iskudayo burburin ah, oo sida uu sheegay ka imaanayay Xukuumadda Nairobi.

Isagoo ka duulayay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayuu xusay inay iminka Kenya taageereyso maleeshiyo beeleed, oo sida uu sheegay uu horkacayo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Wasiirka Amniga Jubbaland.

“Waxa aan u dulqaadanay in badan oo iskudayo wax burburin ah oo ka imaanayay dhanka Kenya, hadda waxa ay taageeraysaa maleeshiyo beeleed hubeysan oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, oo baxsad ka ah cadaaladda, isaga oo loo heysto inuu galay dembiyo ka dhan ah bani’aadanimada.” Ayuu yiri Senatorka Golaha Aqalka Sare ka tirsan.

Qoraal uu dadka kula wadaagay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Booliska, oo u tababaran sida militariga ay cagta mariyeen dhufeysyadii ay xuduuda kaga sugnaayeen Ciidankii Cabdirashiid Janan.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo Ciidamada Booliska Federaalka waxa ay leeyihiin tababaro militari oo aad u sarreeya, waxa ayna gebi ahaan burburiyeen dhammaan dhufaysyadii maleeshiyooyinkaasi ay ku lahaayeen meel u dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.” Ayuu yiri Senator Ayuub Ismaaciil.

Dagaalkan oo dhawr saacadood ka socday xuduuda Degmada Beled Xaawo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa, halka dhaawacuna uu ka badan yahay laba iyo labaatan kale, oo rayid ay ku jiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this