Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaqiiqda ‘deynta cafinta’ Soomaaliya – Sida ay DF u dhigtay iyo sida ay tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

W/Q: Mahad Gelle

Ma jirto dowlad deyn ku leh Soomaaliya, oo balan qaadey deyntii ay lahayd in ay Soomaaliya, ka cafinayso. Waxa socda waa dulsaarkii deynta in meel la saaro.

International Monetary Fund iyo World Bank, midkoodna Soomaaliya, deyn kuma lahan, deeqna ma siiyaan. Waayo World Bank iyo IMF, deyn iyo deeq ma baxshaan.

World Bank, waa dalaal (fund administer) maamula deeqaha iyo deymaha dowladuhu bixiyaan ama dal siiyo dal kale. Shaqada ugu weyni ee World Bank, qabto waa dammaanad qaadidda dalka deyn bixinaya iyo kan la siinayo in ay si dhawrsoon u wada shaqeeyaan. Waa halkaas meesha World Bank, shaaxa shaqadiisa ka helo, dulsaarka lacagta nalagu leeyahayna ka timid.

IMF waa malaal, dalaalka (World Bank) dusha sare kala saaxiib ah. IMF shaqadeeda waa ka talo bixinta wareegga lacagta iyo beec mushtariga adduunka. Sida ugu sahlan oo aad IMF, ku fahmi karto, waa ‘‘nin aan wax ku siin, waxna kugu lahayn oo baahidaada ka macaashaya’’.

Deynta Soomaaliya, lagu leeyahay oo dhan shan dhibic saddex bilyan ($5.3 billion), dalalka ku leh waxaa ugu horeeya United States ($1 billion), Italy ($600 million), France ($484 Million), United Arab Emirates ($256 Million), Kuwait ($171 Million), Russia ($148), Saudi Arabia ($109 Million), Japan ($96) iyo United Kingdom ($81 Million).

Si dowladahaas deynta u cafiyaan waa in dalaalleyda (WB iyo IMF), qorshe ayagu dulsaarkooda ku helayaan keenaan. Deynta in la cafiyana waxaa ka horeysa khidmaddii shaqadooda oo WB iyo IMF, yeesheen waagii hore oo Soomaaliya, deynta la siiyey in ay horta meel la saaro.

IMF iyo World Bank, suuqa ayey galeen, ayaga oo dowladaha deeqda siiya Soomaaliya shukaaminaya, si dalkaan dowlad la’aantu ku habsatay ee hadda soo kabanaya loo taageero.

Shukaansigii waa uu mira dhalayaa oo boqol (100) xubnood oo dowladaha xubnaha ka ah IMF, ayaa aqbalay in ay dulsaarkii iyo khidmadii IMF iyo WB, baxshaan si dhabaha loogu xaaro in Soomaaliya, deymihii hore laga cafiyo.

IMF iyo World Bank, marka ay helaan lacagtooda oo aan la cafin karin, ayey haddana Dowladda Soomaaliya, kusoo noqonayaan si ay sharuudo hor leh iyo isla xisaabtan kale oo xargo badan loo hor dhigo.

Shardiyada deyn cafinta rasmiga ah in la buuxsho ayaa haddana qaadanaysa saddex (3) ilaa shan (5) sano oo kale ugu yaraan marka ay IMF iyo WB khidmadooda helaan.

Lacagta IMF iyo World Bank, lama cafiyo, sababtuna waa khidmad ay shaqeysteen iyo lacagta ay ku kala wadaan howl maalmeedkooda.

Dulsaarka IMF leedahay waa $334 million, World Bank waa $ 315 million. Waxaa asna $102 million leh African Development Bank.

Soomaaliya, haddii deyn laga cafiyo iyo haddaan laga cafin hadda wax weyn oo ay ugu taalo ma jirto. Sababtuna waa in dowlad beri deyn la siiyaa dalkaba ka jirin.

Tusaale, maanta Soomaaliya, heshiis horumarineed ama maalgashi Kenya, oo daris nala ah lama gali karto, maahan in deyn nalagu leeyahay ee waa in dowlad heshiiskaas horumarineed fulin kartaa jirin.

Deynta cafinta dalaalleyda is barkan sida ay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo RW Hassan Ali Khaire, ugu dhaga nugul yihiin, haddii shacabka Soomaaliyeed, ugu dadaali lahaayeen in ay u dhisaan dowladnimo sharcigu sareeyo, taariikh iyo sooyaal ayaa ka hari odayaasha.

87847451_2804576509588403_92145114892583 87871520_2804577372921650_20418701702631 89030987_2804577642921623_92712931001001 87787192_2804578039588250_83572531839610 87781259_2804578732921514_86602240983260 89029761_2804578922921495_72130850975813

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this