Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay dagaalka Beled Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   


Mareykanka ayaa ka hadlay dagaalka dowladda Federaalka iyo jubbaland ku dhexmaray degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Beled Xaawo inay dagaalka joojiyaan wax walbana ku dhameeyaan wada hadal.

Sidoo kale Maretkanka ayaa ugu baaqay dhammaan hoggaamiyaasha in ay muujiyaan samir, kaas oo ay dan ugu jirto ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka.

Waxaan ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan iska hor-imaadka hubeysan ee ka socda agagaarka Beled Xaawo. Waxaan ku baaqeynaa in xal nabadeed laga gaaro khilaafka. Hoggaamiyaasha oo dhami waa inay samir muujiyaan, taas oo faa’iido weyn u leh umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.

#Gedo #Somalia Amb Yamamoto & @US2Somalia call for all sides to disengage from armed conflict around Beled Hawo. We call for a peaceful political solution to the conflict. All leaders need to be patient & deescalate for the benefit of all Somalis in the region.

— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) March 2, 2020

Dagaalkii maanta ka dhacay Beled Xaawo waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux, oo isugu jira dhinacyadii dagaalmay, sidoo kale waxaa waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo ka hadlay dagaalka Beled Xaawo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this