Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Beled Xaawo iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Xaaladda magaalada Beled Xaawo ayaa deggan kadib dagaal culus oo maanta ku dhex maray ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa uu hoggaamiyo wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Janan.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacayo laba qaybood oo ka mid ah magaalada, una dhow xududda Soomaaliya iyo Kenya.

Dr. Axmed Caddow oo ka tirsan Isbitaalka weyn ee magaalada Beled Xaawo, oo la hadlay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Isbitaalkooda lasoo gaarsiiyey illaa 16 qof oo dhaawac ah inkastoo markii dambe uu sheegay inuu geeriyooday mid kamid ah dhaawacyadaas.

Dhakhtarka ayaa sheegay in dadka soo dhaawacmay ay isugu jiraan dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee qeybta ka ahaa dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Beled Xaawo.

Dhakhtarka ayaa sheegay in dhaawacyada intooda badan ay yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, inkastoo uu ka gaabsaday inuu si faahfaahsan uga sii hadlayo arrimaha ku saabsan ciidanka.

Waxaa jira Isbitaalo kale oo la gaarsiiyey dhaawacyada iyo dhimashada, waxayna guud ahaan hadda mareysaa dhimashada 5 qof, halka dhaawaca uu yahay 15 qof oo isugu jiro ciidan iyo shacab, inta la xaqiijiyey.

Xaaladda Magaalada Beled Xaawo ayaa hadda dagan, waxaana lasoo sheegayaa inay ciidamada Dowladda Soomaaliya ku sugan yihiin halkii maanta lagu dagaalamay.

Ciidamada Jubaland ayaa u cararay dhanka Mandhera, waxaana galbiyey ciidamada Kenya oo geeyey saldhigga booliska magaalada, halkaas oo iminka ay ku sugan yihiin.

Hoos ka dhageyso wareysiga Dr. Axmed Caddow

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/d5b8692d-9970-4059-bf8a-215b9e26264a_48k.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this