Sign in to follow this  
Deeq A.

Laascaanood: Guddoomiye maxkamadeed oo qarax lagu khaarajiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax-Sool.jpg?w=1000&ssl=1Qaraxa Laascaanood

Wararka ka imaanayaa maagalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi goord dhoweyd uu ka dhacay qarax aad u xooggan oo laga maqlay dhammaan xaafadaha degmadaasi Laascaanood.

Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in qaraxa gaarigiisa loogu xiray guddoomiyihii maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland oo magaciisa lagu sheegay Xassan Sheikh Maxamuud.

Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday qaraxaasi inkastoo aan weli faahfaahin buuxda laga hayn haddii ay jiraan cid kale oo khasaare ka soo gaaray qaraxa.

Jawiga Laascaanood ayaa hadda qasan waxaana gaaf wareegayaa ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland oo hawlgallo ka wada gudaha magaalada inkastoo aan weli cidna loo qaban qarax halkaasi ka dhacay. Sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

PUNTLAND POST

The post Laascaanood: Guddoomiye maxkamadeed oo qarax lagu khaarajiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this