Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada Kenya ee yimid Muqdisho oo 3 qodob kala hadlay FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – 11 xildhibaano oo ka tirsan baarlamanka dalka Kenya ayaa sabtidii si qorsoodi u yimid magaalada Muqdisho, waxayna kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo warbaahinta Kenya ay sheegeen inay marti-qaad ka heleen hay’adda sirdoonka Soomaaliya, ayey Caasimada Online ogaatay inaysan jirin taas, balse xildhibaanadan ay la kulmeen kaliya madaxweyne Farmaajo.

Sida aan xogta ku helnay xildhibaanadan ayaa madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay saddex qodob oo quseysa xaaladda Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo kala ah:-

1- In xildhibaanadaan ay madaxweynaha Soomaaliya la wadaageen sida aysan raali uga heyn arrinta ka socota gobalka Soomaalida degto ee Waqooyi Bari ayna ku dadaalayaan in ay ka soo saaraan halkaas Cabdirashiid Janan, oo ku sugan Mandhera.

2 – In ay u balan qaadayaan in aan laga soo duulaan tagin degaanadooda oo ay joogaan ciidamada Cabdirashiid, kuwaas oo dhowr weerar ka soo qaaday kadibna dib ugu laabtay Mandheere.

3 – Inay balan qaadeen in ay Xukuumadda Kenya ku cadaadin doonaan in faragelinta Soomaaliya laga joojiyo in dowladda Soomaaliya ka taageeraan sidii ay xuduudaheeda u ilaashan laheyd.

Waxaa aad u xun xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxaana xildhibaanadaan ka soo laabtay Muqdisho lagu qabtay garoonka Nairobi, halkaasi oo su’aalo lagu weydiiyey.

Xildhibaanada Waqooyi Bari Kenya ayaa marar badan dowladda dalkooda ka codsatay inay magaalada Mandhera ka saarto Cabdirashiid Janan, oo ay faraha kala baxdo muranka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this