Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaalka Beled xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo maanta degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Beled xaawo ayaa soo sheegaya in dagaalku uu bilowday kadib markii ciidamada dowladda Federaalka ee laga keenay magaalada Muqdisho ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugan yihiin ciidanka Daraawiishta Jubaland.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lagu soo warramayaa in uu kala gaaray labada dhinac ee dagaallamay inkastoo aan si rasmiya loo sheegi Karin khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhashay.

Dowlad goboleedka Jubaland oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaal ay ku soo qaadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga keenay magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in dib loo riixay ciidamada Federaalka inkastoo aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan dhankeeda weli ka hadlay dagaalka ka dhacay degmada Beled xaawo ee dhexmaray ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin ka soo baxaysa dagaalka Beled xaawo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this