Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Beled Xaawo oo sii xoogeysanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledxaawo (Caasimadda Online) – Weli waxaa rasaas xoogan laga maqlayaa degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland cabdirashiid Janan.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya degmada Beled Xaawo ayaa waxaa ay sheegayaan in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen gudaha degmadaas, waxaana gubanaya Guryo ku yaalla degmada Beled Xaawo.

Dagaalka ka dhex qarxay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa sheegaya inuu dagaalku saameeyay xuduudka Kenya.

Dagaalka ayaa inta badan ka socda xerada ciidamada taabacsan Cabdirashiid Janan ee BP1, iyadoo ciidamada dowladda la sheegay inay weerar culus ku qaadeen xeradaasi, waxayna ciidamada dowladda la beegsadeen saldhiggaasi madaafiicda hoobiyeyaasha.

Wuxuu dagaalku saameyn ku yeeshay xuduudka Somalia iyo Kenya, siiba barta koowaad ee -Border Point One- , iyadoo rasaastu gaartay dhinaca Mandheera, Kenya. Waxayna ciidamada Cabdirashiid Janan ee taabacsan maamulka Jubbaland ay salka la galeen xuduudka Kenya.

Cabdirashiid Janan iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa degan magaalada Mandheera, iyagoo halkaasi ka maamulaya dagaalka.

Dadkii Magaalada joogay ayaa isaga barakacay saakay hore, kadib markii ay dareemeen saan saanta colaada ka taagan Degmadaasi.

Ma jirto cid wali ka hadashay dagaalkaan, maadaama wali dagaalka uu ka socdk Magaalada Beled Xaawo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this