Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha BFS oo dib ugu soo laabtay Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar ugu maqnaa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha inta uu joogay Magaalada Jabuuti waxa ka qeybgalay kulan lagu furayay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, wuxuuna  khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Dalka Jabuuti, isagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimada iyo wax wada qabsiga ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this