Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidamada Somaliland oo dil iyo dhaawac loogu geystay Ceel-Afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay askari ka tirsan Booliska Somaliland uu dil iyo dhaawac u geystay askar kale oo ku sugnaa degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaasi.

Falkan ayaa yimid, kadib markii uu askarigaas rasaas khasaare geysatay uu ku furay ciidamo kale oo ka mid ahaa maamulkaasi.

Ugu yaraan hal askari ayaa rasaastaasi ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka tirsanaa ciidamadii ka howlgalayey halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu goobta ka baxsaday askariga geystay dilka iyo dhaawaca, kaas oo ay hadda ku raad joogaan ciidamada Booliska maamulka Somaliland.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in haatan ciidamadu baaritaano dheeraad ah ay ka wadaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha ciidamada maamulka Somaliland ay ka bixiyeen falkaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo shaqaaqo ay dhex-marto ciidamo ka wada tirsan maamulkaasi, kuwaas oo marar badan isu geystay dil iyo dhaawac intaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this