Sign in to follow this  
Deeq A.

KHAYRE oo ballan qaad u sameeyey guddoomiyaha gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle, Cali Muxumed Caraale oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay guddoomiyaha, taas oo ku aadan xaaladda nololeed iyo mida amni ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale guuddoomiyaha la wadaagay ra’iisul wasaaraha dhibaatooyinka uu maamulkiisa la daala dhacayo oo ay ugu daran yihiin fatahaadaha ku soo laa laabta gobolkaasi.

Khayre ayaa u ballan qaaday guddoomiye Caraale inay xukuumaddu ka taageeri doonto wax ka qabashada fatahaadaha iyo sidii gobolka Hiiraan looga fulin lahaa mashaariicyo horumarineed oo muhiim ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhow kulankaasi.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey ra’iisul wasaaraha qaabiladiisa iyo sidoo kale ballan qaadyada culus ee uu u sameeyey bulshada reer Hiiraan.

HirShabelle ayaa ka mid ah maamullada xiriirka dhow dhow la leh dowladda dhexe, waxaana weli ay wajaheysaa culeysyo ka duwan, sida amni xumo iyo dhaqaale la’aan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this