Sign in to follow this  
Deeq A.

Baardheere: Xubin ka tirsan Al-shabaab oo la dilay iyo mid kale oo nolosha lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo malayshiyaadka Al-Shabaab.

Iska hor-imaadka ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin gudaha degmadaasi Baardheere.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska hor-imaadkaas ku dileen hal xubin oo ka tirsan Al-Shabaab mid kalena ay nolosha ku qabteen.

Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo la xiriira khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadkaas hubaysan.

Xaaladda ayaa saaka degan waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

PUNTLAND POST

The post Baardheere: Xubin ka tirsan Al-shabaab oo la dilay iyo mid kale oo nolosha lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this