Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Al Shabaab Iyo Ciidanka Dowladda Oo Ku Dagaalamay Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka helayno degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay degmadaasi uu dagaal fool ka foola ku dhexmaray ciidanka dowladda federaalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.

Dagaalkan ayaa waxa uu yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidanka dowladda ay ku lahaayeen Baardheere waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Gaashanle Cabdi Sheekh Xasan Taliyaha saldhigga booliska Baardheere ee Ciidamada Dowladda oo goor dhow la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in kooxdii dagaalka ku soo qaaday degmada ay iska caabiyeen waxa uuna intaas hadalkiisa ku daray in ciidanka dowladda ay dagaalkaasi ku dileen mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday halka uu sheegay in mid kalane gacanta lagu hayo.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in raggaasi weerarka soo qaaday ay ku tuhmayaan in ay yihiin rag dhowaan degmadaasi ku dilay ilaa iyo saddex guddoomiye waaxeed oo qaarkood dilkooda loo adeegsaday Faas.

Ma jirto wax wara oo wali ka soo baxay dagaalyahanada Al shabaab oo ay kaga hadlayaan weerarkan la sheegay in qaar ka mid ah dagaalamayaashooda ay ku qaadeen degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

24-kii Febaraayo ee sanadkan Al shabaab ayaa saddex guddoomiye waaxeed waxa ay ku dileen degmada Baardheere.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this