Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo karantiishay dad looga shakiyay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay magaalada Hargeysa ku karantiileen dad ka yimid dalka shiinaha oo looga shakisanyahay cudurka Coronavirus.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in sababta loo karantiilay dadkaas ay tahay si looga baaro fayruska Corona isla markaana loola socdo xaalkooda wixii ku soo kordha mudadaasi.

Sidoo kale wasaraada caafimadka Somaliland ayaa sheegtay in dadkaasi ka yimid Shiinaha ku karantiimeysay goobo ay Wasaaradu ka hirgelisay gudaha garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in dadka ka yimaada Shiinaha si gaar ah u baaraan isla markaana muddo labo todobaad ah ay ku hayaan goobaha wasaaradu ugu talo-gashay lagana joojiyo in ay wax xiriir ah la sameeyaan dadka.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo karantiishay dad looga shakiyay Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this