Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal ka fuliyay guriga Wasiir Janan ee Doolow

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan gaysay degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa  xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay Hoyga Wasiirka Amiga Jubbaland ee degmadaasi.

Saraakiil Ciidan ayaa sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,waxaana la sheegay in Ciidamada Guriga ay kasoo bixiyeen Rasaas iyo laba Qoray oo ah kuwa loo yaqaano BKM-ka iyo qoryo kale.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ma shaacin sababta rasmiga ah ee kaliftay in howlgalka laga fuliyo Hoyga Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya kuna sugan Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Wararka ayaa waxaa ay inatasi ku darayaan in Ciidamada sidoo kale ay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha qaar ee degmada Doolow walow aan la shaacin waxyaabaha ay kusoo qabteen.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal ka fuliyay guriga Wasiir Janan ee Doolow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this