Sign in to follow this  
Deeq A.

Goormaa lagu dhawaaqayaa liiska xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Magàalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda howlaha xulista Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya.

 Odayaasha dhaqanka maamulka Koofur galbeed soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe magaalada Baydhabo waxa ay kulamo kala duwan la qaadanayeen guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka Koofur galbeed iyo madaxda maamulka Koofur galbeed oo uu ugu horreeyo madaxweyne Cabdi Casiis Maxamed Xasan (Lafta gareen).

Guddoomiyaha guddiga farsamada madaxa banaan ee soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Koonfur galbeed Maxamed Keeroow Maxamed ayaa shaaciyay in 11-ka bishan ilaa iyo 19-ka bisha ay soo saari doonaan liiska xildhibaanada cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

PUNTLAND POST

The post Goormaa lagu dhawaaqayaa liiska xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this