Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanadii Muqdisho yimid oo lasii daayey iyo Kenya oo war kasoo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – 11 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Kenya, oo maanta loogu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi sababo la xiriira safar ay shalay ku yimaadeen Muqdisho, ayaa lasii daayey.

Xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya Moffat Kangi ayaa sheegay in 11-ka xildhibaan aan wax dacwado ah lagu soo oogi doonin.

Kangi ayaa intaas ku daray in xildhibaanada ay sharaxaad ka bixiyeen safarkooda, islamarkaana ujeedka safarkooda uu la xiriiray arrimaha amniga iyo waxbarshada gobolka Waqooyi Bari, sida ay yiraahdeen.

Xildhibaanadan ayaa lagu eedeeyey inay Soomaaliya u safreen ayaga oo aan marin nidaamka fasaxa saxda ah ee dowladda.

Sharci-dejiyayaashan Soomaalida ah, oo laga soo doorto Mandhera iyo Wajir, ayaa garoonka lagu celiyey saaka kadib markii ay kasoo laabteen Muqdisho.

“Booliska ayaa weydiiyey su’aalo adag oo la xiriira safarkooda,” Waxaa sidaas laga soo xigtay ilo-wareedyo ku sugan garoonka.

Safarkooda ayaa yimid xilli ay xiisad xooggan ka dhex oogan tahay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Kenya ay taageerto Jubaland, islamarkaana ay ciidamo Soomaali ah ku sugan yihiin xuduudda dhanka Mandhera, halka wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan uu ciidamo ku haysto Mandhera.

Magacyada xildhibaanada iyo deegaanada laga soo doorto ayaa kala ah: Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West), Kullow Maalim (Banisa), Adan Ali sheikh (Mandera South), Mohamed Dahir (Dadaab) iyo Ahmed Bashane (Tarbaj).

Xildhibaanada Kenya ayaa laga doonayaa inay afhayeenka baarlamanka iyo wasaaradda arrimaha dibedda ogeysiiyaan ka hor inta aysan safar ku aadan dal kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this