Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey safarka Macallin Maxamuud ee Puntland iyo qorshihiisa xiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa goor dhaw ka degay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Macallin Maxamuud ayaa diyaarad gaar ah gabal dhicii galabta ka raacay magaalada Dhuusamareeb, taas oo hadda ka dejisay garoonka diyaaradaha Cabdullahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Wararka aan ka heleyno safarka Macallin Maxamuud ayaa sheegaya in uu u sii gudbi doono dhanka magaalada Garowe oo safar dhulka ah uu ku gaari doono, halkaas oo sida wararku sheegayaan uu kula kulmi doono madaxda maamulka Puntland.

Hoggaamiya Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud Sheekh ayaa lagu wadaa in safarka uu ku gaaray deegaanada Puntland kadib uu gaaro dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo deganaasho rasmi ah uu ka haysto.

Dowladda federaalka ayaa Macallin Maxamuud u ogolaatay in uu u safro halkii uu doono, kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Sida aan wararka ku heleyno, Qoor-Qoor ayaa Macallin Maxamuud ka dalbaday in uu ka qeyb galo caleemo saarkiisa, balse waa uu ka cudur daartay, isagoo taas beddelkeed ku war geliyey in uu u safrayo dalka dibaddiisa, taas oo markii dambe loo ogolaaday.

Dhanka kale culumadii kale ee Ahlu-Sunna, sida Sheekh Maxamed Shaakir iyo Sheekh Cabdirisaaq Al-Ashcari ayaa haatan ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaana loo yeelay ilaalo laga soo dhex xulay ciidamada dowladda federaalka, kadib kulan labada Sheekh ay maanta magaalada Dhuusamareeb kula yeesheen madaxweyne Qoor-Qoor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this