Sign in to follow this  
Deeq A.

Pakistan: In ka badan 20 ruux oo ku dhintay shil Tareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 20 ruux ayaa dhimatay halka tobanaan kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen Tareen iyo gaari nuuca rakaabka qaada ah dalka Pakistan.

Shilkan ayaa si gaar ah uga dhacay degmada  Kandhra oo 500KM u jirta magaalada dekadda leh ee Karachi.

Guddoomiyaha degaanka Sukkur ee degmada oo Kandhra uu shilkani ka dhacay ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashada ay marayso 20 oo ruux balse uu ka cabsi ka qabo in tirada dhimashada ay intaasi kasii kordhi karto.

Shilkaas oo ay ku dhaawacmeen tobonaan ruux ayaa la sheegay in qaarkood ay xaaladoodu halis tahay.

PUNTLAND POST

The post Pakistan: In ka badan 20 ruux oo ku dhintay shil Tareen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this