Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaanka Ahlu Sunna oo isku dhiibay dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalkaan ayaa ka xooganaa mid kii shalay, iyadoona ciidamada dowladda ay weerareen xarunta INJI oo ay dagan yihiin hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Wararka ayaa sheegaya in ugu dambeyn Ahlu Sunna lagala wareegay dhismaha xaruntaasi, taas oo ku qasabtay hoggaankeeda in ay isku dhiibaan dowladda.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa hadda gacanta ugu jira ciidanka dowladda, iyadoo ay warar kala duwan ka soo baxayaan xaaladooda.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay xaaladdu saaka tahay iyo khasaaraha ka dhashay dagaalladii ka dhacay Dhuusamareeb.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/shardi-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this