Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareynkanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa looga hadlay duqeyn shalay gelinkii dambe diyaaradahooda dagaalka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo ay gacan ka geysten ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya lala eegtay xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolkaasi.

Mareykanka ayaa shaaciyey weerarkaasi dhanka cirka uu ku khaarijiyey illaa xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu warka ka soo baxay taliska Africom intaasi ku sii darayaa in gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab lagu burburiyey saldhigga la weeraray.

Ugu dambeyn Africom ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in duqeyntaan wax khasaare ah uusan ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan goobta la duqeeyay.

Muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee uu ka fuliyo gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya.

ER5KhltXkAEZQP1.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this