Sign in to follow this  
Deeq A.

Guriga sarkaal ciidan oo weerar lagu qaadey

Recommended Posts

Deeq A.   

Buurhakaba (SMN) – Cusmaan Kaarabiin oo kamid ah saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la weeraray hoygiisa.

Gurigiisa ayuu xusay in uu ku yaalo degmada Buurhabaka ee gobolka Baay, wallow uu xiligaas ka maqnaa hoyga.

Isagoo khadka telefoonka ugu waramay Shabelle, Cismaan ayaa falkaas ku eedeeyay maamulka haatan ka jira degmada Buurhakaba.

Madaxda ugu sareysa ee Koonfur Galbeed ayuu caddeeyay in uu ku wargeliyey kiiskaan, loona sheegay in wax laga qabanayo.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan dhacdadaan oo kasoo baxay maamulka, oo xiriiro aan la sameynay uusan ka jawaabin.

Xaaladda Buurhakaba ayaa la tilmaamay in ay tahay mid kacsan, isla markaana aad looga dareemayo xiisad ka dhalatay weerarkaas.

Ugu dambeyntii, Cismaan Kaarabiin ayaa tilmaamay in dad xiligaas ku sugnaa guriga uu dhaawac kasoo gaarey rasaasta.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cusmaan.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this